Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Aaska Marxuum Arabay

0

Hargeysa-25-09-2021-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland  Mudane, Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta qeyb-galay Aas qaran oo loogu  sameeyey Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Hargeysa Alle how naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ahaa waayeelka, waxgaradka iyo halgamayaashii  qaranka Somaliland.

Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyska iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdi Arabey ayaa xusay inuu ahaa Halgamaa taariikh weyn ku leh qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi Madaxweynuhu sidan“ Xaaji Maxamed Cabdi iyo inta kale ee maanta la aasayo Ilaahay how naxariisto qoyskiisii iyo qaranka Somaliland ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo Maxamed intaa laga sheegay  wuxuu ahaa oday xeer-beegtiya Sheekh, Halgamaa, talo-yaqaan intaba Ilaahay waa ku kulmiyey”.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo booskii uu ka baxayna cawil khyer qaba ugu bedelo “Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa dadkiisa uu ka tegay iyo da’adan danbe inay wadadii odayaashaasi mareen ay maraan oo sida ay wax u maamulayeen Diin ahaan, dad ahaan iyo dal ahaan aynu waddadoodii raacno oo ilaahay ina waafajiyo isaga uu  Jannadii uu ka waraabiyo, qoyskiisiina cawil kheyr qaba Alle keeno innagana inooga daba naxaariisto”.