Madaxweynaha Somaliland oo maanta u kicitimay dalka Kenya, kana hadlay shirka London iyo eedaymo Musuqmaasuq oo loo jeediyey

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay wadanka ingiriiska halkaas oo uu kaga qayb gali doono shirka loo qabanayo kooxaha Soomaalida iyada oo lagu  soo casuumay xukuumada Somaliland, Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa wadanka Igiriiska ku  wehelin doona xubno  ka mida Golaha wasiirada, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo hogaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka ah.

Madaxweynaha Somaliland  oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha  Cigaal ee magaalada  Hargeysa kula hadlayey warbaahinta ayaa waxa uu sheegay  in shirka magaalada london ka qabsoomaya ee ay ka qaybgalayaan ay ku soo bandhigi doonaan qadiyada Somaliland ugana faa’iidaysan doonaan sidii Somaliland ay wadamada iskugu imanaya  shirkaa uga dhaadhicin lahayd qadiyada madaxbanaanideeda waxaan hadalkiisii ka mid ah “Waxaan maanta u baxayaa wadanka ingiriiska waxaanan kaga qaybgali doonaa shir weyn oo ay isugu imanayaan ilaa shan iyo afartan (45) dawladood  kaas oo lagaga hadli doono  arrimo badan oo mandaqadda saameeya.”Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata waxa uu inta ku daray “Somamiland shirkaa waa lagu soo marti qaaday fursadna waanu u helaynaa inaanu ka dhiibano rayigayaga, qadiyada somalilandna aanu gayno, wadamada iskugu imanaya shirka iyo guud ahaan cid kasta oo ka qayb galaysa shirka waxaanu ku  dedaalaynaa inaanu gaadhsiino qadiyada somaliland, waxaanu ilaahay ka rajaynaynaa inuu shirkaa nagu soo guuleeyo”

Madaxweynaha oo ka hadlaya sidii golayaasha qaranka iyo umada Somaliland iskugu raacday shirkan waxa uu yidhi “Shirkaa dood badan ayaa ka dhacday waana lala tashaday hayadaha kala duwan ee qaranka sida golayaasha,asxaabta iyo  ururada siyaasada ee cusub, umada somalilandna way isku raacday shiraa inteeda badani, waxa laysku waafaqay in shirkaas ay dan iyo maslaxadi ugu jirto dawlada iyo shacabka somaliland inay shirkaa ka qayb galaan oo qadiyadooda meel kasta oo ay tahay ay gaadhsiiyaan oo ay soo bandhigto wixii dalka iyo dadkaba u dana, sidaa daraadeed anaga oo wafti balaadhana oo ka koban asxaabta qaranka iyo hayadaha kala duwan ee qaranka ayaanu ka qayb gali doonaa shirkaa.”

Madaxweynaha somaliland oo la waydiiyey su,aal nuxurkeedu ahaa  waxa ka jira eedayntii musuqmaasuq ee ay xukuumadiisa u  soo jeediyeen gudoomiye ku  xigeenka xisbiga Kulmiye iyo agaasimihii is casilay ee wasaarada arimaha debada waxa uu ku jawaabay “Arrimaha masuqmaasuqa waxaan leeyahay dawladayda inta aan ogohay wax musuqmaasuqi kama jiro, musuqmaasuquna waa kaanu la dagaalamayno waxaanu u samaynay  hayado qaranka ka mida kuwaas oo la dagaalama musuqmaasuqa, hadyo gooraale qaran walba wuu ka soo baxaa ashkhaas markii ay waayeen wixii ay doonayeen ama wixii ay siyaasiyan iyo shakhsiyan u doonayeen ku aflagaadooda qaranka iyo  masuuuliyiinta qaranka,laakiin samir iyo dhabar adayg aanu ku  qaadno waanu leenahay, eedaymahaas  musuq maasuq wax ka jiraa ma jiraan waanan ku kal soonahay wasiiradayda, dadkuna waa bilaa aadan hadii wax musuqmaasuqi dhaco waxa jira hayado qaran oo loo sameeyey looguna tala galay inay musuq maasuqa baadhaan oo warkiisa cadeeyaan.”Madaxweynaha oo la waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa hadii wax lidi ku ah Somaliland ay shirka ka soo baxaan waxa uu qorshahoodu yahay waxa uu yidh “Ma filayno in wax somaliland lidi ku ahi ka soo baxo,laakiin hadii cidi ku dhaqaaqdo wax aan somaliland dan u ahayn waxaanu sheegi doonaa waxa aanu ka qabno iyo mawqifkayagu waxa uu yahay.” “Qaran walba wuu ka soo baxaa askhaas markii wixii ay doonayeen iyo danahoodii ay waayeen ku aflagaadooda qaranka iyo masuuliyiinta qaranka.” Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland