Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Masuulliyiin cusub

0

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta sameeyey magacaabista Masuuliyiin kala duwan oo Laamaha dawladda ka tirsanaan doona, waxaana Xubnaha uu magacaabay isugu jiraan Afhayeenka Madaxtooyada, Badhasaabbada gobollada Selel, Gabiley, Togdheer, Sanaag, Maroodi-jeex iyo Xilal kale.

Waxaa sidaa lagu sheegay Digreeto Madaxweyne oo uu ku saxeexnaa isla Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo Nuqul ka mid ah oo Madaxtooyada ka soo baxay soo gaadhay Warbaahinta Berberanews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin: 

Tir Magaca Xilka
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
4. Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal
5. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd
7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar
8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal
9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha
10. Cabdiwaaxid  Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
11. Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen. Allaa Mahad Leh.”