Madaxweynaha Somaliland oo masuul kale u magacaabay xilkii uu iska casilay Baashe

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka aqbalay Is-casilaadii Wasiir-Ku-xigeenka ee uu ugu magacaaabay Baashe Cawil, oo si rasmiya u shaaciyay inuu iska casilay jagadaas.

Madaxweyne Biixi, ayaa maanta ù magacabaay Masuul kale oo lagu magacaabo cabdinaasir Cumar Jaamac inuu buuxiyo jagadaas.

Wareegto Madaxweyne oo ku taariikhaysan 04/09/2021, ayaa ka soo baxday Xafiiska Madxtooyadda Somaliland, waxaannay u dhignayd sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalaad Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD
Ku: Baashe Cawil Cumar
Mudane,
Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.