WARARKA Madaxweynaha Somaliland oo meeqaamkii u sarreeyay lagu soo dhaweeyay dalka Imaaraadka-Sawirro By Hargeisa office - March 9, 2019 0 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Dubai-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen, una soo diray diyaar khaasa. Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, Mudane Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Maxamuud Xasan Sacad oo isagu kaga sii horeeya weftiga imaaraadka, aya amarkii uu halkaas gaadhay waxaa si heersare ah u qaabilay oo soo dhaweeyay Madaxweynaha Imaaraadka, iyadoo weliba calanka Somaliland iyo ka Imaaraadka la sudhay Madaarka. ShareClick to share on Facebook (Opens in new window)Click to share on LinkedIn (Opens in new window)Click to share on Twitter (Opens in new window)Click to share on Tumblr (Opens in new window)Click to share on WhatsApp (Opens in new window)Click to share on Reddit (Opens in new window)Like this:Like Loading...