Madaxweyne Biden oo muddo kordhin u sameeyay cunaqabatayntii Somalia

0

Muqdisho(Berberanews) –  Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden  ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee saarnayd Somalia.

Cunaqabateynta oo Somalia uu Maraykanku saaray sannadkii 2912kii markii uu madaxweynaha ka noqday Barack Obama.

Madaxweyne Biden auaa saxeexay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.

“Iyada oo la tixgalinayo xaalada nabad-galyo ee dalka Somalia iyo siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadiga ahayn”  ayaa lagu yidh qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaya ayaa qoraalkan ku sheegay in uu xeerinayo  amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

Dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kamay bixin wali warkan ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden.