Madaxweyne Biixi oo isku shaandhayn ballaadhan sameeyay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku bedel, xil-ka-qaadis iyo magacaaid ku sameeyay masuulliyiin ka tirsan xukuunadda iyo kuwo cusub.

Sida lagu sheegay Wareegto ka soo baxday madaxtooyadda Somaliland, oo nuqul ka mif ahi soo gaadhay Berberanews.com, ayaa u dhignayd sidan:,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS    

Ku:      Maxamed Muuse Diiriye,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,

 

Ku:      Jaamac Maxamuud Cigaal,

            Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta

 

Ku:      Yuusuf Mire Maxamed (Boos),

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

 

Ku:      Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

 

Ku:      Axmed Muumin Seed Habane,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

 

Ku:      Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble,

Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

 

Ku:      Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed

            Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

 

Ku:      Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle,

            Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya

 

Ku:      Farxaan Aadan Haybe, 

Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Ku:      Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi,

Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe

 

 

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:                  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi;

 

Waxaan Go’aansaday;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

 

Tir

Magaca

Xilka

1.

Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

2.

Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

3.

Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha

4.

Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

5.

Cali Xasan Maxamed Jaamac

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha

6.

Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

7.

Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

8.

Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

9.

Cumar Cali Cabdillaahi Bade

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

10.

Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta

11.

Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha

12.

Baashe Cawil Cumar Cabdi

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

13.

Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

14.

Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

15.

Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka

16.

Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska

17.

Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga

18.

Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose

19.

Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda

20.

Siciid Axmed Jibriil Bahal

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha

21.

Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

22.

Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir)

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

23.

Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya

24.

Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi

Guddoomiyaha Baanka Dhexe

25.

Khaalid Jaamac Axmed Ducaale

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda