Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Shakhsiyadii Marxuum Suldaan Indhacase

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shakhsiyaddii Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xamdule oo caawa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku sifeeyay marxuumka mid door laxaadle ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland iyo dub u dhiskii qaranka iyo mideynta beelaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyeeyay shacabka, haldoorka, ehlada, salaadiinta, cuqaasha, ugaasyada iyo aqoonyahanka uu ka baxay Suldaanku.

Sidaana waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo la soo baxay Afhayeenka Madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberanews, una dhignaa sidan:’

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo loo garan ogyahay (Suldaan Indha-case) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqan oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland kuwada dhaqan, tan iyo maalintaana ku jiray isu soo dhawaynta iyo walaalaynta bulsho weynta Jamhuuriyadda Somaliland wada degan.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. “

Berberanews.com, info@berberanews.com