Madaxweyne Erdogan oo hagaajinaya Xidhiidhka u dhexeeya Carabta

0

ANKARA-(Berberanews)-Turkiga ayaa rajaynaya inay sare u qaado Iskaashiga Masar iyo dalalka Khaliijka ayada oo lagu saleynayo “guul labada dhinac ah”, waxaa sidaas salaadadii maanta sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Ankara ayaa ka shaqeyneysa inay hagaajiso xidhiidhka xumaaday ee ka dhaxeeya Qaahira iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka kadib sanado xiisadi u dhaxaysay.

Xidhiidhka Ankara ee Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa u xumaaday arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mowqifyo is-diidan oo ay kala taagan yihiin Islaamka siyaasiga ah, dagaalka Libya, iyo dilkii Jamaal Khaashuqji ee October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Turkey ayaa bilihii dhowaa isku dayay inay hagaajiso xidhiidhka, waxayna wafti u dirtay Qaahira, halka wasiirka arirmaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu dhiggiisa Sacuudiga wada-hadallo kula yeeshay Riyadh.

“Damaceena waa inaan fursadahan u adeegsano iskaashi heerka ugu sarreeya ah, oo aan hormarino xidhiidhkeena si ku dhisan guul labada dhinac ah…waxayna xaaladdan sidoo kale ku dabaqdaa dalalka Khaliijka,” ayuu Erdogan u sheegay taleefishinta dowladda ee TRT.

“Waxaa jirta suurta-galnimada iskaashi dhab oo aan Masar kala yeelano arrimo ay ka mid yihiin badda Mediterranean illaa Libya,” ayuu yidhi, isaga oo ku daray “inuu jecel yahay” dadka Masar. “Sidaas darteed, waxaa naga go’an inaan hanaankan dib u billowno.”

Turkey ayaa bishii tagtay wafti u diray Qaahira, halkaasi oo labada dhinac ay wada-hadallo ku yeesheen, taasi oo aheyd xidhiidhkii ugu horreeyey ee toos ah ee dhex-mara labada dhinac tan iyo markii afgambi militari xukunka looga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursi, 2013-kii.

Sidoo kale, Ankara ayaa hoos u dhigtay cambaareyntii ay u jeedin jirtay Sacuudiga ee la xidhiidhay dilkii Khaashuqji, xilli Sacuudiga ay joojiyeen inay badeecdaha kasoo dhoofsadaan Turkey.

Kadib wada-hadalladii uu Riyadh kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Cavusoglu ayaa sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan.

@VOA