Madaxweyne Erdogan Oo Ku Guulaystay Aftidii Shacbiga Turkiga

0

(Berbera news) Xisbiga Madaxweyne Erdogan, ayaa ku guulaystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga, waxaanu helay 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa  guddida doorashadu ku dhawaaqeen in dadka taageersan ”HAA” ay ku guulaysteen aftida

Natiijada aftida ayaa ka dhigan in Madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2019-ka, halka Xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaasi  sheegay in wax isadabamarin ahi  hadhaysay codbixinta.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay Dastuurka cusub ee Turkiga.

Taageerayaasha Madaxweyne Erdogan ayaa dhinacooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka Barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab Madaxweyne.

Maxa ku qoran Dastuurka cusub?

Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.

2.Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.

3.Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.

Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa Madaxweyne ku xigeena dhowr ah.

Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra’iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.

6.Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.

  1. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.

Berbera news.