Madaxweyne Geelle oo cabsi weyn ka muujiyay kacdoon dalkiisa ka dhaca

0

jibouti (Berberanews)- Madaxweynaha jamuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele, ayaa waxaa uu markii ugu horaysay uu cadeeyay casbi uu sheegay in uu ka qabo kacdoono uu sheegay in ay dalkiisa ka dhacaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dadka kacdoonka soo abaabulayaa ay wadamo kale joogaan oo aanay Jabuuti joogin, isagoona cadeeyay in shaqsiyaadka abaabulka kacdoonka wadaa ay shaqsiyaad kale kasii danbeeyaan.