Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo deeq lacageed gaadhsiiyey Askar ku soo dhaawacmay Buuhoodle

0

Burco-(Berberanews)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylicii), ayaa deeq lacageed gaadhsiiyey 37 Askari oo ku soo dhaawacmay dagaal Arbacadii hore ka dhacay deegaanka Sooj-googto oo ka tirsan degmada Buuhoodle iyo 3 Askari oo ka tirsanaa Malleeshiyada Hubaysan ee Buuhoodle ee dagaalka kula jiray Ciidanka Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo maanta booqday Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay dhaawacyada Askarta Ciidanka Qaranka iyo saddexda Malleeshiyaadka ahi ku jiraan, ayaa Illaahay uga beryey dhaawacyada inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu cisbitaalka magaalada Burco ku Booqday 37 askari oo ah dhaafacyadii dhaawacyadii ciidamadda qaranka iyo 3 maxbuus oo dhaawacan oo laga soo qabtay maleeshiyada Buuhoodle. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu 37ka askari gudoon siiyay min 1 milyan oo shilin oo u dhiganta 150 Dollar, halka uu sadex maxbuus ee dhaawacana gudoon siiyay 500 oo kun oo shilin oo u dhiganta 90 dolar.

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu dhaawacyadii uu booqday ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu tilmaamay in dhaawacyada dalka waxba loogu qaban kari waayo loo diri doono meeshii la geyn karaba isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa Ugu muhiimsanaa ee aan maanta u imiday inaan Soo Dul joogsado dhaawaca ciidanka qaranka Hadaanu nahay masuuliyiinta Qaranka si aan u tusno in dalkan iyo dadkan ay u dhaawacmeen oo dhibtuna ay iyag u gaadhay difaaca iyo heeganka ay qaranka u ahaayeen.”

Madaxweyne Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ILAAHAY ma hadii waan soo wada maray dhaawacdooduna inta badan waa uu sahlan yahay marka laga reebo sadex afar ay dhaawacyadoodu halis yihiin. kuwaasi oo haddii xaaladooda caafimaad waxba lagaga qabankari waayo gudaha dalka aan diyaar u nahay inana geyno wadamadda jaarka ah iyo meel kasta oo adeeg caafimaad loogu fidinayo.”

“Waxaanan ciidanka qaranka u sheegaynaa waxay hayaan waa hawl qaran hadaanu madaxdii qaranka nahayna waxaanu u sheegaynaa in mar walbana aan daba joogno dhibta soo gaadhana ay tahay qaranimadda u soo gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu ka hadlay shirka London waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wuxuu todobaadka soo socda u ambo-bixi doonaa ka qeyb galka shirka London waxaanu hoggaamin doonaa wefti balaadhan oo Goleyaasha qaranka iyo xisbiyada ka kooban kuwaasi oo ka qeyb galaya shirkaasi si ay qadiyadeena iyo garnaqsigeena u taageeraan.”

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ay koox qurbo-joog ah ka wadaan deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ka soo wada jeedaan Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu xusay in xukuumadiisu ay mar kale ku celinayso baaq nabadeed iyo in wada hadal xal lagaga gaadho shaqaaqada ka aloosan Buuhoodle.

Waa markii ugu horreysay ee masuul sare oo dawladda Somaliland ka tirsani deeqdan oo kale Cusbitaalka Burco ku gaadhsiiyey Askarta ku soo dhaawacmay dagaallada dhawaanahan ka socdo degmada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda oo ay Ciidammada Qaranka ku soo qaadeen Malleeshiyo Beeleed hubaysan oo ka amar qaata koox uu hoggaamiyo dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.