Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Sheegay in Al-shabaab Soo Gashay Magaalooyinka Dalka

0

Hargeysa (Berberanews) Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in dad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab soo galeen magaalooyinka Somaliland, kadib markii culays badani kaga yimi dhinaca Koonfurta Soomaaliya ee ay ku sugnaayeen.

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu furayey bandhig ballaadhan oo la xidhiidha tartamo farshaxanimo nabadda ku saabsan oo shirkadda Kow Media Corporation ku qabatay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa uu shacabka ugu baaqay inay si weyn uga foojignaadaan kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee soo gelyaya magaalooyinka waaweyn ee dalka, isla markaana ay iyagu dawlad ahaan ka digtoonyihiin.

 “Sidaad la socontaan nimankii argagixisada ahaa ee Al-shabaab culays badan baa Koonfurta kaga yimi oo firxad badan baa jira oo aad ayey inoo soo dhaxgaleen magaalooyinka Somaliland, waxaan idin xasuusinayaa nabadda Somaliland inta Ilaahay iyo dawladda ka sokaysa waxa ilaalinayey shacabka oo aad ugu dhego fiiqnaa cid kasta oo dhaqdhaqaaq dalkan ku burburinayso u soo tafaxaydata, waxaan leenahay maanta culays badan baa jira oo aannu dareensanahay ee in dhegihiinu furnaadaan oo xaafadaha magaalooyinka waaweyn cid waliba la socoto cida ku soo koradhay ama ku saa’id ka ah, dhallinyaradu waa inay la socdaan si aad ugu foojignaataan nabadeenaa duulimaadka lagu yahay,” ayuu yidhi Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici.