Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo sheegay inay Xukuumaddu soo dhawaynayso cid kasta oo dalka ka fulinaysa hawlo Samo-fal

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo hawlo samo-fal doonaysa inay ka fuliso dalka gudihiisa, isaga oo u mahad-naqay cid kasta oo hadda ku hawlan fulinta mashaariic horumarineed.

Madaxweyne Ku-xigeen Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey mar uu maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Wefti ka socda Hay’adda Samo-falka ee Al-khayr Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. Weftigan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Al-khayr Foundation Imam Qasim, ayaa  Madaxweyne ku-xigeenka uga warramay ujeeddada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inay la xidhiidho daba-galka hawlo-samo-fal oo ay ugu horayso biyo-soo-saaridda deegaanada Somaliland iyada oo ay hada gacanta ku hayaan qodida ceelal dhaadheer, Riigag, dhamaam iyo Biyo-xidheenno isugu jira.

Ugu horreyn u qaabbilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-khayr Foundation Axmed Maxamed Ismaaciil oo Madaxweyne ku-xigeenka uga warramayay dedaalka ay Hay’addoodu ugu jirto baadi-goobka dhinaca biyaha. Waxa uu yidhi; “Hadda waxa la dhammaynayaa oo gacanta lagu hayaa Riig laga qodayo magaalada Gar-adag, waxa kale oo qorshaha ku jirta oo sahan loo diray dhinacyada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, sahankaas oo lagu raadinayo dhulka biyaha laga helayo, waxa kale oo iminka qorshaha ku jirta oo sahan ku maqan yahay magaalada Jameecaadka iyo magaalada Balli-dhiig.”

U qaabbilsanaha Bariga Afrika ee Hay’adda Al-Khayr Foundation oo ka xog-waramayay hawlaha kale ee ay Hay’adoodu wadanka ka qabanayso waxa uu xusay, inay dedaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta dhinaca waxbarashada, waxaana uu tilmaamay in khabiirro u dhashay waddanka Ingiriiska ay u iman doonaan dalka si ay tababar u siiyaan macalimiinta dugsiyada dalka, arrintaas oo ay ka wada shaqaynayaan wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Weftiga uga mahadceliyay hawlaha samo-fal ee dhinaca biyaha oo uu xusay inay tahay baahida ugu wayn ee taala wadanka. Waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku u balanqaaday xubnaha weftiga Hay’addan inay Xukuumad ahaan soo dhawaynayaan, isla-markaana ay dhinacooda gacan buuxda ka gaysan doonaan hawlaha samo-fal ee ay wadaan, waxaanu ku boorriyay masuuliyiinta Hay’adda samo-falka ee Al Khayr Foundation in ay sii laban-laabaan dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dhinacyada biyaha iyo Waxbarashada.  Madaxweyne ku xigeenka waxa kulankaas ku wehelinayay Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed..

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.