Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Wasiiro ah U Magacaabay Qabanqaabadda Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya.

0


Hargeis(berberanews.com): madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay gudida wadahadalka Somaliland iyo Somalia.

gudidan oo lagu sheegay guddi farsamo ayaa waxa uu madaxweynuhu u magcaabay shan wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa, kuwaas oo badankoodu aanay lahayn miisaan ama waayo aragnimo siyaasadeed oo badan, marka laga reebo wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade.

warsaxaafadeedka gudidan lagu magacaabay oo nuqul ka miid ah lasoo gaadhsiiyey xafiiska Berberanews ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

War-saxaafadeed

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Gudi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:-
1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo
5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.

ALLAA MAAHD LEH

Berberanews.com