Madaxweyne Siilaanyo oo horkacay kumannaan qof oo reer Somaliland oo Muddaharaad ka sameeyey London

0

London-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland ayaa hor-galya Kumanaan ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Waddammada la jaarka ah UK, kuwaasoo maanta ka dhigay bannaan-bax ballaadhan Xafiiska Ra’isal wasaaraha Biritayn David Camaron ee Down Street ee Magaalada London .

Banaan baxan ayaa ka qayb galayaashu ku muujinayaan sida aanay gorgortan u gali Karin qadiyada madax bannaanida Somaliland iyo sida ay Somaliland  badheedhahooda ugu gudbin lahaayeen Shirka beri ka furmi doona magaalada London.

Barxadda mudaharaadka taageerada Qaddiyadda Somaliland ka dhacay waxa hadheeyay boodhadh, calammo iyo dharka astaanta calanka Somaliland oo ay ku xardhantihiin weedho taageero u muujinaya inaan madaxbannaanida Somaliland gorgortan geli Karin.

Dadweynaha ka qaybgalay mudaharaadkan waxay ka kala yimaadeen dalalka Yurub iyo UK oo ay todobaadyadii u danbeeyay ku hawlanaayeen abaabulka ay ugu jireen qabanqaabada banaanbaxan ballaadhan ee lagu taageerayo Somaliland iyo mawqifka Somaliland ee shirka Somalida uga furmaya beri London.

Solna qaar ka mid ah la qayb galayaashii banaan baxaasi oo khadka telefoonka noogu waramay iyagoo ku sugan xiligaas  fagaaraha Down Street ayaa sheegay inay isu soo abaabuleen si aan qiyaas lahayn isla markaana ay soo qaateen boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ka turjumaya xaqa  ay ummada Somaliland u leedahay inay dunnida inteed kale ka hesho aqoonsiga ay mudada labaatanka sanno ah baadi goobkiisa ku jirtay waxaanay  intaas ku dareen in ujeedadoodu tahay sidii shirka maalinta beri ka furmi doona magaalada London ee xukuumada ingiriisku soo qaban qaabisay  ay fariin cad oo aan madmadow ku jirin ugu gudbin lahaayeen maadaama ayay yidhaahdeen ay Shirkaas ka soo qayb gali doonaan in ka badan Shan iyo afartan hogaamiye lagagana hadlayo xaaladaha qaska ah ee Ka oogan dalka aynu dariska nahay ee Somalia iyo guud ahaan Xaalada Mandaqada ay Somaliland ku taalo.

Geesta kale banaanbax kan la mida ayaa ka dhacay magaalada dan hag ee dalka holand oo ay isagu  kumanaan ka mida jaaliyadaha Somaliland eek u dhaqan dalkaasi holnad waxaanay dadkaasi socod ku tageen wasaarada arimaha dibada ee holand iyo safaarada ingiiriisku ku leeyahay dalkaasi holand  sida  ay wakaalada wararka solna  khadka taleenka uga sheegeen Foosiya Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo mida jaaliyada Somaliland eek a qayb qaadanaya banaanbaxaasi ayaa Cadeeyay in Safaarada Ingiriiska iyo Wasaarada Khaarijiga Holland ay u gudbiyeen qoraalo ka waramaya in qadiyada madaxbanaanida Somaliland in ay tahay muqadas islamarkaana ka codsaday in la ixtiraamo go aanka shacbiga Somaliland ee ku aaddan madaxbanaanida iyo aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.