Madaxweyne Siilaanyo oo intaanu dhoofin sii magacaabay Masuul cusub

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta u magacaabay Madaxa xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland inuu noqdo Maxamuud Cabdiraxmaan Cali.

Waxa sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka  madaxtooyada Somaliland, kaasoo lagu faahfaahiyey qaabka uu Madaxweynuhu u magacaabay masuulkan cusub, waxaanu warkaasi u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0199/022012ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Jaaliyadaha Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.