Madaxweyne Siillaanyo Oo Qoraal Garnaqsi Ah U Gudbiyay Midowga Afrika

0

Hargeysa (Berberanews) Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka codsaday Ururka Midawga Afrika in xubinimo buuxda laga siiyo Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo   oo qoraalka luuqada Ingiriisiga ku qoran oo uu ciwaan uga dhigay; ‘waa xilligii Somaliland loo aqoonsan lahaa dal madaxbannaan oo xubin ka ah Midawga Afrika.’ ‘It’s time to recognise Somaliland as an independent country and AU member’, laguna faafiyey qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah Sabtidii toddobaadkan oo ahayd maalin ka hor xuskii 18-ka May, ayaa sheegay in cida qudha ee aqoonsiga Somaliland diidan tahay qaaradda Afrika.

 

“Khasaaraha ka dhashay sannadihii colaadaha lagu jiray, waxay naga dhigeen in aannu noqo dal faqiir ah, laakiin, haddana, waxbarasho bilaash ah ayaannu hirgelinay si carruurtayadu u helaan tacliin. Dhaqaalahayagu si aayar aayar ah ayaa loo dhisay, waxaannu gaadhnay horumar aannu ku faani karno.

 

Laakiin ictiraaf la’aanta aannu kala kulanay dalalka Afrika iyo beesha caalamka, ayaa naga dhigay mid si khatar ah caqabad ugu noqday horumarka iyo rajooyinka aannu sare ugu qaadi karno nolosha muwaadiniintayada. Waxa kale oo (aqoonsi la’aantu) naga horjoogsatay in aannu helno gargaar caalami ah iyo lacago dayn ah oo aannu ku dhaqaajino horumarka Somaliland. Waxa la naga diiday in aannu ka qaybgalno shirarka lagu gorfeeyo mustaqbalka dalalka Geeska Afrika… Waxaannu ogaannay in aqoonsigayaga laga diiddan yahay oo qudha qaaradayada Afrika,” ayuu madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa

 

Waxa uu ka codsaday Midowga Afrika in la oggolaado sidii Somaliland xubin buuxda looga siin lahaa ururka AU-da, waxaannu yidhi; “Ururka Midawga Afrika waxa uu ka dhashay rajooyinka ah sidii dalalka cusub ee wada jirka aaminsan isaga caawin lahaayeen koriinka iyo barwaaqada. 23-kii sanno ee Somaliland jirtay, waxay gaadhay guulo badan iyo waxqabad adag, markaa waxaannu Midawga Afrika ka codsanaynaa fursad lagu oggolaado in Somaliland xubin buuxda ka noqoto ururkooda iyo bulshooyinka kale ee Afrika, waxaananu ka caawin karnaa horumarka guud ahaan qaarada oo dhan.”

 

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidoo kale sheegay in qadiyadda aqoonsiga Somaliland xilligan aad uga xooggan tahay sidii ay ahayd sannadkii 2006, waxaannu yidhi; “Qadiyaddayada aqoonsigu xilligan aad bay uga xooggan tahay sidii ay ahayd sannadkii 2006. Waxa aannu xidhiidh la samaysanay Soomaaliya oo aannu hore isula soo marnay 30 sanno oo midnimo masiibooyin badan ka dhaceen ah, wadahadal baa noo socda, waxaannu ku heshiinay in aannu iskaashi ka yeelano la-dagaalanka argagixisadda, xagjirnimada, budhcad-badeeda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, ka hortaga sunta iyo qashinka baddaha lagu shubo iyo dambiyada kale ee khatarta ah.

 

Iskaashiga noocaas ahina maaha mid faa’iido ugu fadhiya labadayada dal (Somaliland iyo Soomaaliya), laakiin sidoo kale, waxa uu waxtar u yahay mandaqada gobolka oo dhan iyo dunidaba. Dalalka Geeska Afrika waxay noqdeen xudunta ama isha xasilooni-darrada iyo khilaafaadku ka dhasaan, laakiin, Somaliland doorkeeda oo buuxa ma isticmaali karto sidii nabadda iyo xasiloonida loo faafin lahaa, ilaa beesha caalamku noola dhaqanto dal qayb ka ah oo la aqoonsan yahay.”

 

Waxa Madaxweyne Siilaanyo si qoto dheer ugaga hadlay qoraalkiisa heerka dimuqraadiyadeed ee Somaliland taagan tahay, xasiloonida iyo ammaanka la hirgeliyey 23-kii sanno ee la soo dhaafay, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey jiritaanka ururka Midawga Afrika iyo waxyaabaha ay tahay in la iska kaashado, sida dhibaatada ka taagan hablaha yaryar ee lagu afduubay dalka Nigeriya, waxaannu tilmaamay in aqoonsi la siiyo Somaliland aannu ka hor imanayn axdiyada u yaal ururka AU-da ee la xidhiidha in la ixtiraamo xuduudaha dalalka Afrika ka dhaxleen guumaysayaashii, maadaama Somaliland 26 June 1960-kii noqotay dal madaxbannaan oo leh xudduudo la aqoonsan yahay, ka hor intii aanay 1 July ee isla sannadkaas ku biirin Soomaaliya.”

 

 

Berberanews/ Hargeysa