Madaxweyne Silaanyo oo ergay cusub u magacaabay wada-hadalka Somaliland iyo Somalia

0

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Ergayga gaarka ah ee Somaliland u qaabbilsanaan doona wadahadallada Dawladda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Drs Edna Aadan Ismaaciil oo Xukuumaddii Daahir Rayaale ka soo noqotay Wasiirka arrimaha dibedda.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Xambaarsanaa Digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Ergeyga wadahadallada Soommaaliya lagula jiro u qaabbilsanaan doona Somaliland, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay  Berberanews.com, waxa uu dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.

MADAXWEYNUHU: Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya; Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa. Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara; Wuxuu go’aansaday; In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.” Sidaa ayaa lagu Digreetada Aftahannews.com soo gaadhay ee Madaxweynuhu Ergayga ku magacaabay