Madaxweyne Silaanyo oo magacaabay agaasimayaal cusub

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Magacaabay Agaasimaha Hay’adda Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ka dib markii Toddobaadkii hore uu Xilka ka qaaday Hanti-dhowrihii Guud ee Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Magacaabay Agaasime Cusub u Magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, halka Agaasimihii horena loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, ka dib markii Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi ku biiray Golaha Wakiillada, isagoo buuxiyey Jago uu ka Geeriyooday Xildhibaan kale.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4962/082017 uu maanta ku magacaabay saddex agaasime guud.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Marwo, Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  3. In Mudane, Axmed Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)