Madaxweyne Silaanyo oo qalinka ku duugay dhaqangalka xeerarka la-dagaalanka Budhcad-badeedka iyo kala wareejinta maxaabiista

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta qalinka ku duugay dhaqangalka xeerarka la-dagaallanka budhcad-badeedka iyo kala wareejinta maxaabiista oo ay bishii hore si deg deg ah ah u ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland iyo Guurtida.

 

Wareegto ka soo baxday Xarunta Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Silaanyo saxeexay dhaqangelinta Xeerka la-dagallanka budhcad-badeedka, waxaannu u qornaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-988/032012, ku Dhaqan-geliyey Xeerka La-Dagaalanka Budhcad – badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012.  

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Helay:               Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/555/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law) Xeer Lr. 52/2012;

Markuu Arkay:               Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo Saaray

 

Dhaqan-galka Xeer Lr. 52/2012 ee Xeerka La-dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law).

Sidoo kale waxa uu Madaxweyen Silaanyo saxeexay dhaqangalka Xeerka wareejinta maxaabiista oo dhigaya fasaxaya in maxaabiista budhcad-badeedka ee lagu xukummo dalal kale la keeni karo xabsiyo ku yaalla gudaha Somaliland.

 

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-989/032012 ku Dhaqan-geliyey Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012.

 

Madaxweynuhu :-

 

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Helay:   Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee ku suntan GW/G/KF-17/556/2012 ee 21/03/2011 ee Go’aanka Ansixinta Xeerka Wareejinta Maxaabiista Xeer Lr. 53/2012;

 

Markuu Arkay:   Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Dhaqan-galka Xeer Lr. 53/2012, ee Xeerka Wareejinta Maxaabiista.”

 

Berberanews.com

Hargeysa, Office

Email,info@berberanews.com