“Madaxweyne Silaanyo wuxuu joojiyay sannadkan Xuskii 18 May” Wasiir Caddaani

0

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa go’aamiyey in la joojiyo qaabkii hore ee 25-kii sannadood ee la soo dhaafay loo xusi jiray maalintii ku dhawaaqista gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May, isla markaana sannadkan 2017 la joojiyo Xafladihii loogu dabbaal-deji jiray maalintaas, laguna beddelo Qaadhaan-ururin loogu gurmanayo Dadka Abaaruhu dalka ku saameeyeen.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo Salaasadii Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo go’aamiyey in sannadkan Dhaqaale loogu Gurmanayo Dadka Abaaruhu caydheeyeen lagu ururiyo 18-ka May, halkii Lacago badan lagaga debbaal-degi jiray sannadihii hore.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mr. Caddaani kaga warbixiyey go’aanka Madaxweynaha Somaliland ee uu Caddaani ahaan Saxaafadda u soo gudbiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-