“Madaxweyne Waxaan kugu hambalyaynayaa magacaabista Maareeyaha Dekedda Berbera waxaanan leeyahay muskii gaabnaa tis adag baad saartay..” Caaqil Geedi Saleebaan

0
Caaqil Geedi


Berbera-21-Dec-2011-(Berberanews)- Caaqil Geedi Caaqil Saleebaan Caaqil Ismaaciil; oo ah Caaqilka Beesha Cabdalla Cabulle (Ciise Muuse), ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanayo ki hambalyeeyay Magacaabista uu dib ugu celiyay Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor) Maareeyaha Dekedda Berbera.

Caaqil Geedi Caaqil Saleebaan oo soo saaray war-murtiyeed uu ku hambalyeeyay Magacaabista Cali Xoor Xoor ka soo saaray magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil waxa uu qaab-murtiyeed ku sifeeyay sababta keentay Xil-ka-qaadista Maareeyihii hore ee dekedda,isagoo Maareeye Xoor Xoor kula taliyay inuu ka faa’iidaysto ficilka Madaxweyne Siilaanyo u muujiyay oo shaqada ka amba-qaado halkii hore.

Caaqil Geedi

Nuqul ka mid ah war-murtiyeedka uu soo saaray Caaqil Geedi Caaqil Saleebaan Caaqil Ismaaciil oo uu soo gaadhsiiyey shebekadda Berberanews waxa uu u dhignaa sidan;

“Anigoo ah Caaqil Geedi Caaqil Saleebaan Caaqil Ismaaciil, madaxweyne anigu waxaan ahay caaqilka beelaha ugu ballaadhan Somaliland  ee Cabdalla Cabdulle (Cabdalla Qoyan) ee Burco ugu tuullooyinka badan ee taalla Xuduudka Togdheer la wadaagto Ethopia illaa Xeebta Saaxil.

Waxaan hambalyayanayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), waxaan madaxweynaha ku hambalyaynayaa magacaabista Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor xoor) inuu dib ugu soo magacaabay Dekedda Berbera.

Madaxweyne adigoo dhaqanka iyo siyaasdaba wax ka yaqaan waxaan intaa ku raacinayaa waxa la yidhi “Waraabuhu Marka uu Xerada xoolaha u dhacayo ee uu isleeyahay adhi ka boob habeenka hore uma dhaco oo wuxuu sahamiyaa meesha ooda xooluhu ka gaabantahay, habeen labaadka ayuu halkii uu sahansaday ka dhacaa.” Madaxweyne aad iyo aad waxaan kuugu hambalyaynayaa muskii gaabnaa tis adag baad saartay.

Mar sadexaad waxaan hambalyaynayaa Cali Cumar Xoor Xoor oo ah nin shaqada ka adag, imikana ficilka Madaxweynuhu kuu sammeeyay iyo ka Somaliland kugu qabto ee Dacarbudhuq lagaaga soo dhaweeyayba israaci oo halkii ka sii kordhi shaqada.”