Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo ka warbixiyay safar uu mudo ku jogay Imaaraadka

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka warbixiyay safar muddo bil ku dhawaad ah qaaatay oo uu ku tegay dalka Imaaraadka.

Mr. Saylici oo maanta ka soo degay Madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarkiisii iyo cidda ay kulmeen.

“Kadib safar mudo labo iyo labaatan (22) maalmood qaatay oo aan ku maqna dalka Imaaraadka Carabta waxaan nabad-qab kusoo laabtay dalkayga hooyo.

Run ahaantii, wuxu ahaa safar muhiim u ah xidhiidhka labada dal. Sidoo kale, waxtar wayn u leh horumarka Somaliland. Aniga oo safarkaygan culayska saaray sidii aan dunida ugu bandhigi lahaa fursadaha maalgashi ee dalkeena yaala, amniga, khayraadka, kala-dambaynta iyo shuruucda dawladeed ee dalkeena. Sidoo kale, baahiyaha iyo caqabadaha dalkeena kajiree lagaga gudbi karo ama u baahan maalgashiga caalami.

Sidadarteed, waxaan kulamo kala duwan la qaatay madaxda usaraysa dawladda Imaaraadka Carabta, shirkado, ganacsato, dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta cusbitaalo horumar iyo baaxad leh iyo daneeyayaal xiisaynaya in ay Somaliland maalgashadaan oo aan u bandhigay khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeena yaala.

Dhanka kale madaxda kala duwan waxa aanu ku marti qaadnay in ay dalka Somaliland yimaadaan. Waxaanan rajaynaynaa in ay sida ugu macquulsan inagusoo gaadhaan.

Sikaste ha ahaate, dalkeena ayaa ah mid ay indhaha caalamka ee dhaqaaale iyo siyaasadeed ay hayaan oo juquraafi ahaan, khayraad ahaan iyo amni ahaan dunida muhiim u ah.

Ugu dambayn, waxaan rajaynaya himilada & hiigsiga dheer ee bulshada Somaliland oo hirgala iyo horumar waara Somaaliland hanato.”