Madaxweynihii hore ee Algeria oo geeriyooday

0

Bouteflika, oo ahaa halyeey usoo dagaallamay xorriyada dalkiisa ayaa xukumayay dalkaasi ku yaalla waqooyiga Africa in ka badan 20 sano, ka hor inta aanan lagu qasbin in uu xilka ka dago bishii April ee sannadkii 2019-kii.

Dhanka kalana, waddanka Algeria deriska la ah ee Tunisia, boqollaal qof ayaa Sabtidii maanta isugu soo baxay si ay uga mudaaharaadaan madaxweynaha dalkaasi Qays Saciid oo dhawaan kaligii isku koobay awooddii waddanka, taasoo keentay qalalaaso dhinaca dastuurka ah.

Dhinaca galbeed ee Afirkana, kooxda millatari ee xoogga ku qabsaday talada dalka Guinea ayaa sheegay in aanay aqbali doonin cadaadiska uga imanaya madaxda gobolka oo doonaya in milatarigu sii daayaan madaxweynihi la afgambiyay Alpha Conde kaddibna uu dalka ka baxo.

Jimcihii, madaxweynayaasha Ivory Coast iyo Ghana Alassane Ouattara iyo Nana Akufo-Addo ayaa caasimadda Conakry ku tagay booqasho hal maalin ah, iyagoo ku dalbaday hogaamiyaasha milatariga in ay madaxweynaha u ogolaadaan in uu dalka ka baxo.

Voa