“Madaxweynuhu awood buu u leeyahay inuu Goleyaasha ka dalbado wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer No 14” Garyaqaanka Guud

0

Hargeysa-(Berberanews)-Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal, ayaa markii u horraysay ka hadlay Go’aankii Madaxweynaha Somaliland ee furista Ururada siyaasadeed iyo nidaamka sharciyadeed ee u ogolaanaya inuu tallaabadaas Madaxweynuhu qaado.

“Xeerka Doorashooyinka iyo Asxaabta ee Xeer No 14 ayaa ka hadlaya nidaamka loo maamulayo asxaabta siyaasadda iyo ururada. maaha markii u horraysay ee wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo, dhawr jeer oo hore ayaa lagu sameeyay. Xeer Baarlamaana waa la dalban kara ain wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo, waxaa dalban karta xukuumadda, Golaha Baarlamaanka laftiisa ayaa dalban kara, shacabkeenuna xataa wuu dalban karaa oo ilaa shan kun oo qof baa mooshin ku keeni kara in kaabis iyo wax-ka-bedel lagu sameeyo, markaa Madaxweynuhu awood buu u leeyahay inuu Goleyaasha ka dalbado wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer No 14.” sidaa waxaa uu ku yidhi Waraysi uu siiyay Telefiishanka Saab.

Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysigaas oo dhamaysitan ee daawasho wacan.