“Madaxweynuhu waa inuu iscasilaa” Ramaax

0

Hargeysa (Berberanews):-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu iska casilo xilka, maaddaama oo uu ku fashilmay inuu si dimuquraaddi ah u hoggaamiyo dalka oo uu qaybo waddanka ka mid ah dalbaday inuu ku soo rogo xaalad deg-deg ah.

Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu soo dhaweeyey in aqlabiyadda baarlamaanku diideen ansixinta xaalad degdeg ah oo lagu soo rogo gobolka Sanaag qaybo ka mid ah, waxaanu madaxweynaha ku eedeeyey inuu doonayo inuu xaalad millateri dalka ku maamulo, ka dib markii uu ku fashilmay inuu si rayid ah u hoggaamiyo.

Waxaannu warka Ramaax iyo siduu hadalkiisa u yidhiba idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-