Magacyada Masuuliyiinta loo doortay Hoggaanka Urur-siyaasadeedka WADANI iyo Shirweynihiisii oo maanta soo xidhmay

0

Hargeysa-(Berberanews)- Shirweynihii 1-aad ee Urur-siyaasadeedka Wadani, ayaa maanta lagu soo gabo-gabeeyay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo uu shalay ka furmay, ka dib markii lagu doortay hoggaan cusub, isla markaana lagu ansixiyay Xeerarka iyo barnaamijka siyaasadeed ee ururkaas.

Shirweynuhu waxa uu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Wadani u doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda Gobolka Saaxil, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo doortey Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aadna loo doortey Faarax Maxamed Cabdile oo ah Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland kana soo jeeda Bariga Burco, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaadna waxa loo doortey Cabdillaahi Siciid Ismaaciil (Cabdillaahi-Dheere) oo ka soo jeeda gobolka Hargeysa, Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad waxa loo doortey Cabdi Raygal Beegsi oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, Guddoomiye ku-xigeenka 5-aad waxa loo doortey Milgo Maxamed Cilmi (Ina San-balooshe) oo ka soo jeeda Gobolka Hargeysa, waxaana Xoghayaha guud ee Urur-siyaadeedka Wadani loo doortey Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo ah Maayar kuxigeenka Caasimadda Hargeysa, kana soo jeeda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa).

Sidoo kale, waxa shirweynahan lagu ansixiyey guddida fulinta oo ka kooban 35-xubnood, waxa kale oo la ansixiyey oo la meel mariyey 201 ka mida 250- xubnood ee ay guddida fulintu ka kooban tahay. Waxaana sidaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii kowaad ee Urur-siyaasadeedka Waddani oo ku dhamaaday jawi degan.

Xubnaha kale ee xilalka ku-xigeennada iyo Xoghayaha guud loo doortay ayaa iyaguna hadallo mahad-naq ah ka soo jeediyey dhammaadkii shirka, kuwaasoo Illaahay ka beryey xilka loo igmaday inuu fahmsiiyo, kana dhigo kuwa sida ugu habboon u guta, isla markaana waxay u mahad-celiyeen guud ahaanba Ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay ee codkooda siiyey.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gebo-gabadii Shirweynaha ka jeediyay khudbad kooban ayaa u mahad celiyay ergadii ku dooratay sida aqlabiyadda ah waxaanu tilmaamay inaanu waxba kala hadhi doonin sidii uu uga midho dhalin lahaa urur siyaasadeedka Wadani.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.