Malawi: Maxkammad sii daysay Ganacsade Nebi sheegtay

0

Malawi-(Berberanews)-Qaadiga maxkamada Malawi ayaa xabsiga ka sii daayay nin ganacsade ah oo sheegta nabi Shepherd Bushiri iyo xaaskiisa Mary iyagoo sheegay in xadhiga lamaanahan oo wajahaya eedeymo la xidhiidha lacago, xatooyo iyo khiyaanooyin ka dhacay Koonfur Afrika uu ahaa mid sharci daro ah.

Tallaabadan ayaa timid Khamiistii maaddaama uu Maamulaha Magaalada Viva Nyimba uu sheegay in xadhiga lamaanaha ee Malawi maalintii hore uu ka hor imaanayo sharciyada dalka wuxuuna amar ku bixiyay in la siidaayo damaanad la’aan damiin “iyadoo loo eegayo cadaaladda.

Booliska Malawi ayaa xidhay Bushiri ka dib markii uu ka baqay damaanada Koonfur Afrika oo uu ka baxsaday dalkiisa.

Bushiri ayaa sheegay in noloshiisa ay khatar ku jirto Koonfur Afrika oo uu aaminsan yahay inaanu heli doonin maxkamad cadaalad ah.

Isaga iyo xaaskiisa waxay sugayeen maxkamad iyadoo lagu soo oogay dacwado la xidhiidha lacago la dhaqay, xatooyo iyo wax isdabamarin ka dhacday Koonfur Afrika, laakiin waxaa soo ifbaxay dhamaadkii todobaadkan in si qarsoodi ah looga dhoofiyay dalka lana geeyay caasimada Malawi ee Lilongwe, sida ay sheegtay BBC.

Taasi waxay kalliftay maxkamad Koonfur Afrika inay soo saarto laba waaran oo lagu xiray Bushiri.

Waxaa jiray khilaaf diblumaasiyadeed oo cakiran oo udhaxeeya Malawi iyo Koonfur Afrika kaasoo ku saabsanaa cidda lagu eedeeyey baxsashadiisa