Man United Oo Xaqiijisay Inay Xiisaynayso Laacibka Kooxda Lille Eden Hazard.

0

(Berberanews Sports):- Caawiyaha tababaraha Manchester United Rene Meulensteen ayaa qirtay in Eden Hazard uu ku jiro liiska ciyaartoyda uu doonayo Sir Alex Ferguson.

Hazard ayaa waxaa raadinaya kooxo badan oo Yurub ah, iyadoo ciyaaryahanka reer Belgium la filayo inuu xagaaga ka tago kooxda Lille.

United, Manchester City iyo Tottenham ayaa dhamaantood ciyaaryahanka soo daawaday isagoo ciyaaraya, taasoo sii kicineysa dagaalka loo geli doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Tababaraha waxa uu doonayay inuu shaqsiyan u soo arko Eden Hazard. Waxaana ay calaamad u tahay inuu ogyahay inuu yahay ciyaaryahan xiiso leh. Wax badan ayaan isaga iyo aniga ka wadahadalnay ciyaaryahanka” ayuu Meulensteen u sheegay Voetbal International.

“Kooxdaan waa u muhim in mar walba dhiig cusub lagu soo darro”

“Hazard waa ciyaaryahan leh tayo gaar ah, lakiin sida mar kasta ay tahay wakhti ayay qaadaneysaa. Tusaale ahaan muddo badan ayaan raadinaynay David de Gea ka hor intaan helin”

“Ferguson waxa uu doonayaa inow ogaado dhaqanka ciyaaryahanka. Waana sababta uu isaga shakhsiyan u soo eego ciyaartoyda”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports