Manchester United Iyo Manchester City Oo Ku Hirdamaya Saxeexa Xiddiga Lille Eden Hazard.

0

(Berberanews Sports):- Manchester United iyo Manchester City ayaa dagaal fool ka fool ah isaga horimaan doona xagaaga iyagoo doonaya inay soo xerogeliyaan xiddiga kooxda Lille Eden Hazard oo la filayo inuu France ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tottenham ayaa sidoo kale raadinaysa ciyaaryahanka reer Belgium waxaana ay u soo bandhigayaan Lille Sebastien Bassong iyo Giovani dos Santos.

Lakiin magaalada Manchester ayay u muuqata inay tahay halka ugu badan ee uu caga dhigan doono, iyadoo labada kooxood ee ugu sareeya hogaanka Premier League ay ku tartami doonaan soo xero gelinta laacibkaas lagu qiimeeyo 30 milyan ginni.

Ferguson ayaa bilowgii todobaadkan xaqiijiyay inuu xiisaynayo ciyaaryahanka ka dib markii uu tagay France oo uu soo daawaday 21 jirkaan kaasoo dhaliyay 109 gool 142 kulan oo uu saftay.

Madaxweynaha Lille Michel Seydoux ayaa yidhi: “Eden waxa uu doonayaa inuu helo khibrad yurub ah oo ka baxsan France. Mana celin karno”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports