Maraykanka iyo Midowga Yurub oo cunaqabatayn saaray Farmaajo

0

Muqdisho-(Berberanews)-Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ka fiirsanaya cunno-qabateyn ka dhan masuulliyiinta dowladda wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo ka dib muddo kordhin uu baarlamaanku u sameeyay.

“Mareykanka ma taageerayo go’aanka muddo kordhinta iyada oo aan taageero ballaadhan laga helin daneeyayaasha Soomaaliya,” sidaa waxaa yidhi xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in ay dib u qiimeynayso xidhiidhka ay la leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo inay tixgeliso dhammaan talaabooyinka ay ku jiraan cunno-qabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.

Midowga Yurub iyo Mareykanka waxay sheegeen go’aanka lagu kordhiyay waqtiga xukunka Farmaajo ay wiiqeyso dadaallada ay taageereyso beesha caalamka ee dub u dhiska Somalia.

Maraykanka iyo Midowga Yurub waxay ku baaqeen in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka.