Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay shirkado China iyo Ruushku leeyihiin

0

USA-(Berberanews)-Mareykanka ayaa jimcihii ku dhawaaqay cunaqabateyn dhaqaale oo la saaray shirkadaha Shiinaha iyo Ruushka oo Washington ay sheegtay inay taageeraan horumarinta barnaamijka gantaalaha Iran.

Afarta shirkadood, oo lagu eedeeyay “u gudbinta tikniyoolajiyadda xasaasiga ah iyo walxaha barnaamijka gantaalaha Iran”, ayaa lagu xukumi doonaa xayiraad ku saabsan kaalmada dowladda Mareykanka iyo dhoofintooda muddo labo sano ah, xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo ayaa bayaan ku sheegay.

Cunaqabateyntan oo la soo rogay Arbacadii, waxay ka soo horjeedday laba shirkadood oo laga leeyahay Shiinaha, Chengdu Best New Materials iyo Zibo Elim Trade, iyo sidoo kale shirkadda Ruushka ee Nilco Group iyo Joint Stock Company Elecon.