Maraykanka oo weeraro ka fuliyay Somalia

0

Somalia-(Berberanews)-Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanayay dowladda federalka Soomaaliya ayaa labo weerar oo duqayn ah  ka fuliyay Soomaaliya, kaasoo uu la badhtilmaameedsaday kooxda Alshabab.

Duqeyntaa ayaa lala beegsaday xeryaha al-Shabaab ee agagaarka Kunyo Barrow, oo katirsan gobolka Shabeeladda hoose iyo duqayn lala eegtay xaruntii idaacadda Andulus ee kutaalay tuulada Kunyo barow.

Talisku wuxuu sheegay in qof rayid ah aanu ku dhaawacmin ama ku dhiman hawlgalkan, iyagoo sheegay inay ku burburiyeen goobaha badhtilmaameedka u ahaa labada weerar.

“Tallaabadani waxay si cad u muujineysaa sida ay nooga go’antahay taageerada Soomaaliya iyo saaxiibbada gobolka,” ayuu yidhuMaj. Gen. Joel Tyler, oo ah agaasimaha hawlgallada ee Taliska Mareykanka ee Afrika.

Warbixinta laguma xusin in lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in aanu joojin doonin weerarada uu ka beegsanayo Alshabaab, xitaa haddii uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.