Mario Balotelli: Waan Ku Guuleysan Karaa Fifa Ballon d’Or Waa Hadii Messi Uu Qaab Ciyaareedka Ka Lumo.

0

(Berberanews Sports):- Weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa dareensan inuu leeyahay tayo uu ku qaado abaalmarinta laacibka adduunka Fifa Ballon d’Or mustaqbalka dhow, lakiin waxa uu qirtay inay in badan ku xidhan tahay hadii xiddiga Barcelona Leo Messi uu awoodi doono inuu ku sii sugaando qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee haatan.

Mucjisada reer Argentina ayaa dhawaan raacay talaabooyinkii halyeeyga reer France Michel Platini isagoo ku guuleystay abaalamrinta Ballon d’Or markii seddexaad oo isku xigta, lakiin Balotelli ayaa u diyaar ah inuu booska Messi buuxiyo marka ay uu Messi la lumo qaab ciyaareedkiisa haatan.

“Waan ku guuleysan karaa Ballon d’Or, lakiin waa hadii Messi heerka uu haatan joogo qaab ciyaareed ahaan uu waxoogaa ka soo dhaco” ayuu weeraryahankii hore ee Inter u sheegay La Gazzetta dello Sport.

“Aad ayay u adkaan doontaa in lagu guuleysto waa hadii uu sidaan sii ahaado. Aad ayaan u aaminsanahay inaan ku guuleysan karo abaalmarinta, lakiin wax badan oo aan sameyn karo ma jiraan, hadii Messi uu weli sidaan yahay”

21 jirkaan ayaa kooxda Manchester City waxa uu xagaagii 2010 kaga soo biiray kooxda Inter, waxaana uu ciyaaryahan muhim ah ka noqday Etihad Stadium.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports