Marwada 1aad ee Somaliland oo Qaabishay Ha’yadda Ability Foundation

0

Hargeysa-(Berberanews)- Marwada 1aad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamud Jirde (Aamina-waris), ayaa qaabishay shalay wefti sare oo ka tirsan hay’adda Ability Foundation oo ka dhisan waddanka Finland ee qaaradda Yurub.

Hay’adda Ability Foundation oo ka hawlgasha waddamo badan oo adduunka ah, isla markaana ka shaqaysa arrimaha dadka naafada ah, waxay la shaqaysaa 20 urur oo Somaliland ka dhisan, waxana wakiil u ah Guddoomiyaha Dalladda Naafadda Qaranka ee SNDF Mr. Maxamed Aadan.

Wakiilka hay’adda Ability Foundation u qaabilsan dalalka Geeska Afrika, ayaa uga mahad celisay marwada koowaad ee Somaliland qaabilaadda fiican ee ay u samaysay, waxaanay sharraxaad ka siisay waxyaabaha hay’adoodu qabato, iyadoo xustay in afartii sannadood ee u dambeeyay ay olole ugu jireen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd waddamada hela dhaqaalaha lagu caawiyo dadka naafada ah.

Waxa kaloo haweenayda hay’addaas wakiilka uga ah Geeska Afrika ay sheegtay in sannadkii hore Somaliland soo gaadhsiiyeen adduun dhan boqol kun oo lacagta Yurub ah, taas oo loogu deeqay labaatanka urur ee wada-shaqayntu ka dhaxayso, iyadoo intaa ku dartay inay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Finland u oggolaatay inay sannad walba labaatan kun oo Euro ku caawin doonaan ururrada naafada ee Somaliland ka jira, waxaanay marwada guddoonsiisay buug ka warramaya waxqabadka hay’adooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha dalladda ururrada naafada qaranka Somaliland (SNDF) Mr. Maxamed Aadan, ayaa marwada koowaad guddoonsiiyay shahaado-sharaf ay ku mutaysatay gacan-qabashada dadka naafad ah.

Marwada 1aad marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo gunaanadkii kulankaas hadal kooban ka jeedisay, ayaa uga mahadcelisay weftiga hay’adda Ability Foundation booqashada ay ku yimaaddeen Somaliland oo aan ahayn tii u horreysay.

Waxa ay sheegtay inay wada shaqayn fiican ka dhexayso dalladda ay ku bahoobeen ururrada naafada Madaxtooyada Somaliland, isla markaana ku dadaalayaan inay door muuqda ka qaataan wax-ka-qabashada baahiyaha dadka naafada ah.

Hay’adda Ability Foundation oo dalal badan oo adduunka ah ka hawlgasha waxa guddoomiye u ah nin naafo ah, xubinna ka ah Baarlamanka waddanka Finland