Marwadii Marxuum Cigaal oo daboolka ka qaaday Dib u furista Xisbigii UDUB.

0

Hargeysa-(Berberanews)-Marwadii hore ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Kaltuun Xaaji Daahir, ayaa shacabka Somaliland ugu bushaaraysay inay u diyaar garoobaan Dub u furista Xisbigii UDUB oo ahaa kii u horreeyay ee dalka lagaga dhawaaqay, balse ku agoomoobay Markii siyaasiyiin damac galay ku gelgelimaysteen.

Dhawaqa ka soo yeedhay Marwo Kaltuun oo ay ku qortay barteeda Facebooka, ayaa ka danbaysay markii Golaha Guurtida Somaliland ansixiyeen shalay Xeerka furista Ururada iyo Asxaabta Qaranka Xeer.no 14.

Marwo Kaltuun waxay sheegtay in mar labaad ay ku soo dhawaadaan shacabka Somaliland Xisbigii UDUB ee uu aas aasay alle haw naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Qoraalka ay soo saartay Kaltuun Xaaji Daahir, ayaa u dhignaa sidan:

“Bahweynitii UDUB-beey ku Bushaaraysta Xisbigii UDUB, oo dib-Boodhka aynnu uga tumi doonno iyadoo ay muhiim tahay dabcan taageeradiina hiil iyo hooba . Waa Xisbigii ugu horeeyey ee Somaliland laga Aasaasay Somaliland tan iyo Markii Somaliland Gooni isku taageedda kala soo noqotay Somaliya Sannadkii 1991-kii. Waxa UDUB Aasaasay Allaha u naxariiste Aabihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.
Waan hubaa inaad UDUB u jeclaydeen sidaa u jeclaydeen Aabihii Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal , Udubna ay tahay hanti uu idiinka tegay si uu u kala Hago siyaasada Somaliland.
Kusoo dhawaada Marlabaad Xisbigii Dimuqradiga Umadda Bahowday oo aan ku Bilabmin hab qabiil laakiin dhamaan bulshada Qaranka Somaliland ay ka dhex muuqdeen. Waxan idin leeyahay halo sarakaco haloo sarakaco, hoodaale xisbigii UDUB.”.