Masar, Itoobiya iyo Sudan oo isku afgaran waayay Xiisadda Biyo Xidheenka

0

Dhamaadkii bishii October ayay sii ambaqaadeen wadaxaajoodkooda iyagoo ku shiray khadka is araga ee Zoom-ka waxyana kaga hadlayeen isla arrinkan ee xal gaadhista qulqulatooyinka ee ku aaddan mashruuca biya xireenka.

Madaxaweyne Trump ayaa horey u sheegay in Egypt ay xaq u leedahay inay qarxiso mashruuca biyo xidheenka, taas oo Masar ay ku tilmaantay halis jirta, iyadoo hadalkaasi uu ka cadhaysiiyay dowladda Ethiopia.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaasi sadaxda ah oo todobaadkii hore kulmay ayaa guddiyo quburro ah oo ay iska soo saareen u wakiishay inay ka wadaxaajoodaan islamarkaana ay uga heshiiyaan arrimaha ay isku hayaan. Laakiin khailaafkooda ayaa halkiisa kasii socday iyadoo kulankoodaii arbacadnaa uu guuldarro kusoo idlaaday sida uu sheegay Mohammed el-Sebaei oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Dowladda Ethiopia ayaa hore u sheegtay inaanay joojin doonin dhismaha biyo xiireenka oo khilaafka dhalaiyay iyadoo tilmaantay in aanay dhaqaala ahaan uga maarmin mushruucaasi.

Sources Voa