Masar oo laga helay magaaladii Dahabiga oo 3000 kun oo sano jirtay

0

Masar-(Berberanews)-helitaanka magaalo 3,000 sano jir ah oo ku luntay ciida Masar ayaa lagu amaanay inay tahay mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga helay tan iyo markii la helay qabriga Tutankhamun.

Khabiirka reer Masar ee caanka ah Zahi Hawass ayaa ku dhawaaqay Khamiistii daahfurka “magaalada dahabiga luntay” ee u dhow Luxor .

Wuxuu sheegay helitaankani yahay magaaladii ugu weyneyd ee qadiimiga ahayd, ee loo yaqaanay Aten, weligeedna laga soo helin dalka Masar.

Waxaa la soo saaray toddobaadyo gudahood markii laga qoday godka laga bilaabo Sebtember 2020.

Magaaladu taariikhdeedu waxay ku beegnayd xukunkii Amenhotep III, oo ka mid ahaa fircoonnadii ugu xoogga badnaa dalka Masar, kaasoo xukumi jiray 1391 ilaa 1353 BC.

Magaalada waxaa sii waday in ay adeegsadaan fircoonnada Ay iyo Tutankhamun, oo qabrigooda ku dhow waxaa helay Dooxada Boqortooyada taarkhiiyahan reer Ingiriisa Howard Carter sanadkii 1922.

Betsy Brian, oo ah Borofeesarad ku takhasustay cilmiga Egptology ee jaamacadda Johns Hopkins University ee Baltimore, Mareykanka ayaa sheegtay in daahfurka magaaladan luntay ay tahay daahfurka labaad ee ugu muhiimsan ee laga helay qabriga Tutankhamun.

Waxay tidhi magaaladu “waxay na siineysaa aragti yar oo ku saabsan noloshii Masriyiintii hore” waqtigaas oo boqortooyadu ay ahayd mida ugu taajirsan.

Qoditaanku wuxuu daaha ka rogay tiro badan oo ah waxyaabihii qadiimiga ahaa ee la helay, sida dahabka, dhoobada midabada leh, canbaarrada iyo lebennada dhoobada leh ee lagu xidhay Amenhotep III.

Kooxdu waxay ka bilaabeen qoditaanka daanta galbeed ee magaalada Luxor meel u dhow Dooxada Boqortooyada, qiyaastii 500 km (300 mayl) koonfurta caasimada Qaahira.

“Toddobaadyo gudahood, kooxda waxaa layaab ku noqotay bulukeetiyo dhoobo ah oo ka soo muuqday dhammaan jihooyinka,” Dr Hawass ayaa ku yidhi bayaankiisa.

“Waxa ay daah fureen wuxuu ahaa goob magaalo weyn oo xaalad wanaagsan oo badbaadin ah, oo leh ku dhowaad derbiyo dhameystiran, iyo qolal ay ka buuxaan aaladaha nolol maalmeedka.”