Mascherano Oo Ka Digay In La Dhayalsado Man. United Kulanka Fiinalka Ee Champion League-ga

0

Ciyaaryahanka u dhashay wadanka Argentin una ciyaara Kooxda Barcelona Javier Mascherano ayaa sheegay in aan saadaalin laga bixin karin cida qaadi doonta Champion Leaga Kooxaha Barcelona iyo Man United  xili uu wareysi siinaayay jara’idka lagu magacaabo Footballer Foccus.”Wax walba waxa ay ku xidhantahay qaab ciyaareedka ay soo bandhigto naadiga xiliga ay socota ciyaarta,  Man United waa Kooxda ugu wanaagsan caalamka waa Koox taqaana qaab ciyaareedka kulama fiinaalka waxaa ku sugan ciyaaryahano laacibiin ah” ayuu  yidhi ciyaaryahan Mascherano.Kooxaha Barcelona iyo Man United ayaa kuwada balansan caawa garoonka weyn ee wadanka England ee Wembley,Barcelona ayaa dooneysa in qaado Champion League makeedii afaraad, halka Man United ay iyadana dooneyso in ay ka aarsato Kooxda Barcelona guuldaradii ay kala kulantay sanadii 2009, xilikaasi oo Man United lagu garaacay labo iyo eber taasi oo guusha ku raacday kooxda ka socota horyaalka Spain ee Barcelona.Mascherano oo ah ciyaaryahan yaqaana qaab ciyaareedka  Man United maadaama uu ka ciyaarayay horyaalka dalka England xili uu ku sugnaa Liverpool ayaa noqonaya fiinaalka markiisii labaad oo uu ciyaaro ,iyadoo uu horey u soo ciyaaray fiinaalka Champion League,gaar ahaan sanadii 2007 ciyaartii dhexmartay kooxdiisi hore ee Liverpool iyo AC Milan ciyaartaasoo 2-1 guusha ku raacday AC Milan. Mascherano ayaa ku soo biiray Barcelona bishii August sanadkii 2010,xilikaasi oo Barcelona ku soo iibsatay lacag dhan £22m Pound waxayna kala soo wareegtay Kooxda ka ciyaarta horyaalka dalka England ee Liverpool.Mashinkaani khadka dhexe ee  Barcelona ayaa sanadkani kula guuleystay  Barcelona horyaalka dalka Spain,Barcelona ayaa qaaday horyaalkeedii saddexaad oo isku xiga iyadoo rajo ka qabta hanashada Champion Leaga.Ugu dambeentii ciyaaryahan Javier Mascherano ayaa ku tilmaamay weerayahaanada naadiga Man United ee kale ah Rooney iyo Hernandez oo ku tilmaamo kuwo khatar ah loona bahanyahay in ay ka fiijignaadaan difaacyada Kooxda Barcelona. “Rooney waa weeraryahanka ugu khatarsan caalamka, waa furaha Kooxda Man United,Hernandes waa aqaanaa, aqoon ayaan isku leenahay xilgiii uu ku sugnaa wadanka Mexico,runtii wacdaro ayuu ka dhigay horyaalka dalka England” ayuu yidhi Mashcherano.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com