Mashaariicda Wasaaradda Waxbarashadu ma yihiin kuwo lagu qarinayo faddeexad?

0

“Madaxweynaha waxaan ugu Baaqaynaa inuu Hubiyo Xaaladda Caafimaad ee Dadka uu xilalka u magcaabyo” Maamulka Gobolka Maroojeex ee wasaaradda Waxbarashada iyo Shaqaalaha.

Hargeysa-(Berberanews)-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay mashaariic ay sheegtay in ay ku kordhisay dhanka waxbarashada dalka, kuwaasoo uu xadhigga ka jaray Madaxweynaha Somaliland.

Furitaanka mashaariicda, ayaa loo aanaynaa kuwo lagu dembabasayo dhalliilo xoogan, musuqmaasuq iyo maamul xumo lagu eedeeyay masuulliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Toddobaadkii  lasoo dhaafay Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex Cabdikariin Xasan Muxumed iyo qaar ka mid ah shaqaalaha oo warbaahinta la hadlay si weyn u dhaliileen Wasiirka wasaaradda, iyagoo ku eeddeeyay maamul xumo, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne  Biixi inuu ka fiirsado dadka uu xilalka u magcaabayo, isla markaana hubiyo in ay yihiin kuwo xaaladdooda caafimaad sugantahay,  wallaw markaa kadib masuulkaa laga joojiyay shaqada.

Maamulka Gobolka Mariidijeex ee waxbarashada iyo shaqaalaha oo ka hadlaya arrimahaa halkan ka Daawo.