Mashruuc ay ku Baxayso Lacag Dhan 5 Malyuun oo doollar oo lagu Maalgelinayo Ganacsiga Somaliland

0

Hargeysa 27 Feb 2012 (Berberanews)- Kulan dib u eegis lagu samaynayo mashruuc ay ku baxayso lacag dhan $5 malyuun oo doollarka Maraykanka oo lagu maalgelinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Mashruucan oo laga maalgeliyey sanduuqa deeq-bixiyayaal kala duwan, iyadoo tabaruc laga helay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah, Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Denmark iyo Sanduuqa dhisida maamulada iyo adkaynta nabadda ee Baanka Adduunka, waxaanna wejigiisa labaad waxa wada fulinaya Baanka Adduunka (World Bank) iyo shirkadda Maaliyadda Caalamiga ah (Intrenational Finance Corporation), waxaanna kulanka shalay dib loogu eegayey ka qaybgalay saraakiil ka tirsan labada hay’adood ee fulinaya, ganacsato kala duduwan oo dalka u dhalatay, aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

 

Saraakiisha ka kala socotay Baanka Adduunka iyo shirkadda Maaliyadda Caalmiga ah, waxay halkasasi ku soo bandhigeen xog faahfaahsan oo mashruucan ku saabsan, kaas wejigiisa labaad ee la bilaabayaa ku saabsan yahay in la caawiyo dhismaha ganacsiga Somaliland, iyadoo laga taageerayo hal-abuurnimada iyo kor-u-qaadida jewiga ganacsi, waxaannu daba socdaa wejigii kowaad oo awoodda saarayey xoojinta maamul-wanaaga, iyadoo la hagaajinayo kobcinta xisaabaadka, iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dawladda, wadahadal dhexmara ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dawladda.

Sida ku cad xogta ay soo bandhigeen saraakiishu waxa mashruucani xogga saarayaa laba qaybood oo ganaci ah oo loo kala bixiyey maalka ku habboon ganacsiga iyo maalka yagleelida, kuwaas oo loo qaabeeyey inay kor-u-qaadaan ganacsiga iyo koritaanka shaqo abuurka ee ku wajahan qaybo la xushay oo dhaqaalaha Somaliland ah, iyadoo ganacsiga gaarka ahi bixinayo adeegyo iyo agab labadaba. Waxaanna maalka ku habboon ganacsiga laga maalgelinayaa kobcinta adeegga hawlgelinta, iyadoo loo oggolaanayo lacag yar oo dhammaystir xagga agabka iyo qalabka ah, waxaanna lagu hawlgelin doonaa muddo saddex sanno ah lacag xadigeedu u dhexeeyo $5,000 ilaa 10,000 (shan ilaa toban kun doollar), iyadoo ay suurtogal tahay in la helo maalgelin labaad.

Sidoo kale, maalka yagleelida waxa laga taageeri doonaa qalabka, alaabta iyo horumarinta adeegga lagu hawlgalayo, kaas oo shaqayn doona muddo laba sanno ah, isla markaana xadiga ugu badan ee maalka la bixinayaa waa $150,000 (boqol iyo kontan kun oo doollar), iyadoo la oggol yahay in shirkadiiba hal mar la siiyo.

Guud ahaan isugeynta kharashka bilowga ah ee loogu talogalay labada jeer ee mashruucan maalka la bixinayaa qiyaas ahaan waxa ay ku dhawdahay $5 malyuun (shan malyuun oo doollarka Maraykanka ah) oo loo qoondeeyey maal kasta cidda ehelka u ah ama shuruudaha loo dhigay buuxinaysa.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com