Masuul iska casilay xil Madaxweyne Biixi u magacaabay

0

Hargeysa-(Berberanews)-Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ka mid Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa iska casilay xilkaas.

Sidaana waxaa uu Baashe Cawil Xaaji Cumar ku sheegay warsaxaafadeed uu soo dhigay degelka uu ku leeyahay Facebook.

Halkan ka Akhriso iscasilaadda Baashe Cawil,  “WAR-SAXAAFADEED: 02/09/2021 ISCASILAAD, Mudane Madaxweyne anoo xiganaya Wareegtadaada summadeedu tahay
JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.

Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.
Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay.” Ayuu yidhi Baashe Cawil Xaaji Cumar.