Maxaa kaaga baxay khudbaddii Madaxweyne Deni ?

0

Madaxweynaha Puntland ayaa jeediyay khudbad qaadatay 1 saac iyo 12 daqiiqo wuxuu banaanka keenay waxyaabaha ay Madaxweyne Farmaajo dhexmaray waxaana ka mida:

Madaxweyne Deni:”Farmaajo wuxuu u rabay in Garoowe lagu shiro, si loo dhoho Daarood ayaa shiray, dabin kaasna waan ka badbaadnay, dhowr jeer oo hore ayuu dabin noo dhigay”.

Madaxweyne Deni:”Farmaajo habeen dhaweyd ayuu i soo wacay oo i yidhi:Heshiiskii 17 September ma oggolaadeene markaa i tidhi ‘waan ku dhisaynaa ayaan yeeley”.

Deni:”Farmaajo wuxuu ila wadaagay xog ah in uu soo laabanayo taasi oo ah in uu haysto:Ciidan, lacag iyo xoogag waddaniyiin ah oo xataa jooga Puntland”.

Deni:”Farmaajo waxaan ku idhi, Marreexaan ma waxay rabaan in ay ka go’aan Jubbaland, wuxuu yidhi, Maya, ee waxaan rabaa in aan doorashada maamulo”.

Deni:”Dubbaa habeen dhawaaqay, waa masaa’ibka soo baxay”.

Madaxweyne Deni:”Farmaajo wuxuu igu yidhi wax 8-da Febraayo la dhoho ma jiraan”.
Deni:”Shalay buu i soo wacay Farmaajo, wuxuuna i dhahay nimankii Hawiye wax gidaarrada ka soo dhacay miyaa aragtay maalintii dhaweyd, waa adigii lahaa 8-da Febraayo wax baa dhacayee”.

Deni” Xamar xataa cunto ma cuni kartid sunbaan ka cabsanaynaa”
Deni” Ciidamada Gorgor iyo Haramdcad malaha wax naxariisa”

Maxaa kaaga baxay .