Maxaad ka ogtahay Cabdillaahi Diiriye Cilmi (Weedhaafe)

0

Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiye Cabdulaahi Diiriye Cilmi Carraale oo loo garan ogyahay Weedhaafe, waxa uu ahaa hal abuur ku can ahaa badda maansada ee ‘Heellada’. Waxa uu ahaa jiilkii la jaan qaaday gawaadhidii carriga Soomaalida ku soo qulqushay badhtamihii qarnigii 20aad. Sidaa daraaddeed inta ugu badan waxa uu ka heelloon jiray baabuurta.

Weedhaafe waxa uu sidoo kale ahaa wadihii ama dareewalkii inta Soomaalidu ka sheekayso ugu khibradda badnaa ee ugu xawaaraha badnaa kolka dareewalnimo la joogo. Iyada oo uu arrinkaasi u soo jillaabay ba naanaystan Weedhaafe ee uu ku can baxay. Sida la sheegayna isaga oo sidii caadada u ahayd xawaare sare ku wada ayuu ka wada laabay goolad ku taalla kaymaha Hawdka. Markaasay dadkii qaylo isla oogsadeen – Dabcan waa dad markii koobaad gaadhi la dhici gaadhay. Kolkaasu si kalsooni leh u yidhi erayadan:
“In aan waabiyaan is moodaaye,
Ma weedhaafadii baad wareerteen?”

Weedhaafe waxa uu u kala bixi jiray magaalooyinka Burco, Berbera, Jabuuti iyo qaar ka mida gobollada Soomaaliya. Wuxuu se intii ugu badnayd mari jiray waddada Ceeg oo Burco uga baxda xagga Hawdka. Waxa la sheegaa in waagii hore baabuurtu caanaha Burco keeni jirtay galabtii. Dabadeed uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee subaxnimo caaniha keenay suuqyada Burco. Kolkaas buu isagoo dumarkii reer Burco ee caanaha iibsanjiray la hadlaaya ku heellooday:
“Dumaryoow dharka iyo dhalaalka sitaa
Dhanaan nin sidaa ma dheereeyee
Ma soo dhacay dhay anoo sida
Oo dhallaankii ma u keenay dhaydii”

Weedhaafe kolkii hore waxa uu wadi jiray baabuur uu dareewal ka ahaan jiray oo aanu lahayn. Waagii dambe oo uu iibsaday baabuurkiisii u horreeyay ayaa waxa la sheegaa in la arkay Weedhaafe oo aan baabuurka sidii kii hore aan u weedhafinayn oo sidii raggii kale ee saaxiibadii dhukubinaya! Markaasaa la su’aalay sababta uu sidii looga bartay uu ugu socon waayay? Dabeed waxa uu ku jawaabay:
“Waali maaye waa waxaygii
Wanan baan siistey wagar ka waawayn
Qunyar baan wadayaa waddada Ceeg”

F.G: dadku se intan waxa ay u yaqaanniin;
“Wixii qoyantaan walaaqayee
Waali maaye waa waxaygii
Wanan baan siistey wagar ka waawayn
Qunyar baan wadayaa waddada Ceeg”
Waxaan se uu ii xaqiijiyay Cabdi Jaamac Aadan Baxnaan oo aan la kulmay in uu marxuunka waa Weedhaafee uu afkiisa uga caddeeyay in dadku ay ku darsadeen meeriska ah “Wixii qoyantaan walaaqayee” ee aanay afarraydiisa ka mid ahayn.

Waxa la sheegaa in mar isaga oo waddada Jibuuti maraya uu la kulmay nin ay is yaqaanniin oo intuu gaadhi weyn oo wakhtigaa aad u qaali ahaa soo iibsaday ka gudbin kari waayay jid la sheego in ay maristiisu dhib badantahay ay ka mid yihiin Wiisha, Casha iyo Waraaboodka, dabadeed uu Weedhaafe gaadhigii masha uga tallaabiyay ninkii. Waxa la sheegaa in uu ninkii gaadhigii ku iibiyay Jibuuti, isaga oo ka baqay jidkii hawsha badnaa iyo Weedhaafaha aanu markan helayn caawimadiisii. Waxaan maqlay in uu Weedhaafe tix ka tiriyay markii uu maqlay in ninkii gaadhigii u iibiyay arrinkaas. Nasiib darro se hadda midhahaas ma hayo.

Mar uu gaadhigiisa ammaanaayay oo uu maanso ku xusaayay meelihii wakhtigaa gaadiidleydu ka cabsan jirtay waakii lahaa:

“Liisaan waafiyaan waddada mariyay
Wiishiyo caashi waabinmaayaan
waraaboodku wiriric weeyaan”

Xilli aan ku hilaadiyay 1976 ayaa la sheegay in uu arkay nin ay saaxiib ahaayeen oo intuu Carabaha tegay baabuur iyo hanti kale soo diray. Markaasuu tirinayaa gabagan aan saddexda meeris ka hayo haddaanan qaldayn ba:
“Jilba gaabanoow hebel hadduu jemello soo dhiibay
Jetka raacnayaa iyo markabka jaanis ka helnaa ba
jidka carabtu way eegyahay jeer inaan tego..”

Sidii buu ku kolanyaysay oo Alle waa ku guuleeyay safarkiisii waddamada Carabta. Waxa la sheegaa in uu dabeed kolkii uu meesha tegay uu sluugay fursadaha shaqo heliseed iyo nolosha meesha. Dabcan sidii filashadiisu ahayd way noqon wayday. Markaasuu leeyahay:
“Qurbaha ba waxaan moodi jiray qoor la darayaaye
qarasaaniga iyo kuuligay qarinayeen shawe
xaggeebay ka soo qaadayeen waa qisiyo yaabe”

1981 ayuu waddanka ku soo laabtay isaga oo waddanka Sacuudiga kala yimi gaadhi qashti ah oo Iidle ah. Waa iidlaha shaarubaha cad ee taswiirta ka muuqda. Waa gaadhi uu ku xusi jiray heellooyinkiisii dambe qaar ka mida. Mar la sheegay in uu dhoola tus xagga xawaaraha ah ku haqiyay saaxiibadii waakii lahaa:

“Iidlaan ka wataa ka orad badan
Tan iyo xamar baw u talaabo ah
Tayootuhu kuma gaadho tamashlayn
istabniguu tuuray orod daraaddii
innamada la socdaana eed ma leh”

Naxariistii janno Alle ha ka waraabiyee Cabdulaahi Diiriye Cilmi (Weedhaafe) waxa uu xijaabtay 2006dii. Isaga oo dad iyo duunyo badan dunida ku dhaafay.

F.G: Wixii aan qalday sixiddooda iyo wixii aan ka tegay ku darkooda, waad ila soo wadaagi kartaan.

W/Q: C.naasir Cali C.raxmaan (Afrika)