Maxaad Ka Ogtahay Taariikhda Soo Jireenka Ah Ee Lancaster House Oo Ah Goobta Lagu Qabanaayo Shirka Somalida 23-ka February.

0

Berberanews- Miisaanka uu leeyahay shirka Somalida loo qabanayaa ayaa laga dareemi karaa qaabka loo soo agaasimay, Tirada Madaxda ka soo qayb-galaysa iyo waliba goobta lagu qabanaayo oo ah bogcad Taariikh soo jireen ah leh. 

Madasha shirka loogu qabanayaa waa Lancaster House waxa ay ku taalaa Magaalada London , waxa ay u dhawdahay Qasriga boqortooyada ingriiska ee loo yidhaahdo Buckingham palace,waxaa Lancaster house waxa la dhisay sannadkii 1825. Maamulka xarunta waxa gacanta ku haya Wasaarada Arimaha debeda ee Boqortooyada UK.

Goobtan loo cayimay in uu ka dhaco shirka soomaalidu waxa ay leedahay taariikh fac-weyn oo dhinacyada siyaasadda, dib-u-heshiisiinta iyo bandhigyada.

Laga soo bilaabo sannadkii marka 1924-kii iyo wax yar kahor dagaalkii 2-aad ee dunida dhismuhu wuxuu ahaa Matxafka London (London museum), wixii xilligaa ka danbeeyey waxa laga dhigay goob ay dawladda Britain ku qabato kulamada iyo soo dhaweynta ah ee heer caalami .

Sannadku markuu ahaa 1938-kii waxaa ku shiray wakiilo gaar ah oo ka hadlayay Qabsashadii Adolf Hitler uu qabsaday dalka Austaria.

Sannadkii 1965-kii waxaa aqalkan lagu saxiixay heshiiskii xornima gaadhsiinta ee dalka loo yidhaahdo Malaysia. Sannadkii 1957-1958-kii waxaa Lancaster house lagu diyaariyey distoorka federalka ah ee dalka Nigeria.

Sannadkii 1960, 1962 iyo 1963 waxaa isla madashan lagu gaadhay heshiiskii xornimo gaadhsiinta dalka Kenya waxaana lagu dejiyey qaabka uu noqon doono qoraalka distoorkoodu. Sannadkii 1979-kii waxaa lagu saxiixay heshiiskii xornimo gaadhsiinta dalkii loo yiqiinay Rhodesia oo imminka la yidhaahdo Zimbabwe.

Aqalka Lancaster house waxa uu kale oo uu caan ku yahay oo lagu jilay aflaam kala duwan sida filimka taariikhiga ah ee la magic baxay YOUNG VICTORIA (2009) iyo filimka la yiraahdo KING’S SPEECH (2010)

Dhismaha faca-weyn ee Lancaster house waxa uu leeyahay naqshado taariikhi ah oo Qadiim ah, waxa aanu ku yaalaa badhtamaha London, waxa loogu talo galay in cid kasta oo timaada ay ka hesho adeeg heerka koowaad ah (first class), waxa kale oo uu leeyahay qolal jiif ah iyo beer weyn oo ah nooca lagu nasto, waxa ku xidhan qalabka isgaarsiinta oo ku xidhan satellite ka, internet iyo qalabka wax lagu turjumo marka shirarka caalamiga ah lagu qabanayo, waxa uu markiiba qaadi karaa oo ku shiri karta in kabadan 400 Qof.

Sida lagu qoray website-ka xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriiska, shirka Somaalida ee dhici doono February 23-keeda waxaa lagu martiqaaday madax sare oo ka iman doonta caalamka oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Sweden , Midowga Africa, Midowga Yurub, Uganda, Kenya, Ethiopia iyo weliba Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon. Waxaana guud ahaan la filayaa inay ka soo qayb galaan wakiilo ka kala socda illaa 40 dawladood iyo qaar ka mid ah hay’adaha aan dawliga ahayn sida Bankiga adduunka (World Bank), IGAD, Ururka Islaamka iyo kan Jaamacadda Carabta.

Ergooyinka Somaalida ee shirka ka qayb galayaa waxaa ka mid ah Madaxda dawlada federalka ah iyo duqa Magaalada Muqdisho, Madaxweyne goboleedyada Puntlad iyo Galmudug iyo wakiilo ka socda Ahlu sunna wa jamaaca. Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qabanqaabiyaashu shirku sheegeen in Somaliland ay gacan ka gasysan karto dhismaha nabad waarta oo gobolka ka dhalata.

Ka sokow nasashada ergooyinka iyo bilicda dhismaha taariikhi ah ee Lancaster house waxaa la filayaa in shirkan ay ka soo baxaan go’aamo wax tar leh oo ay ka mid yihiin dhinacyada ammaanka oo ah gacan siinta hawlgalada AMISOM, dhismaha ciidamada ammaanka iyo caddaalada, iyo arrimaha geeddi socodka nabadda. Laakiin halka arintu ku danbayn-doonto waa u wada joognaa, wixii ka danbeeya 23-ka February.

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com