Maxaad ka ogtay qisada jacaylka ee fanaankii Shay Mire Dacar

0

Cabdilaahi Mirre Dacar oo loo yaqaanay Shay , waxa uu sanadkii 1960-kii ku dhashay magaalada Ceerigaabo oo ku soo barbaaray waxna ku bartay illaa dugsigii dhexe .

Waxa uu ka mid ahaa dhalintii ubaxa kacaanka ee dugsiyada ka heesi jirtay 1970-yadii , laakiin qoyskiisu ma ogolayn in uu fanka hore ugu socda waxa ka hor yimi labadiisa waalid oo kala ahaa Mirre Dacar iyo Caasho Shire Cilmi sida uu ii sheegay Cali Mirre Dacar oo Shay walaalo ahaayeen .

Horaantii 1980-yadii waxa uu magaalada Ceerigaabo ka noqday Dawaarle ama Harqaanle , laakiin xiisaha uu u qabay fanka marna kama suulin laabtiisa , waxa uu si hoose u bartay kabanka ama cuudka uu tumistiisa ka caawiyay Nuur Jaamac Siciid oo hadda ku nool magaalada Ceerigaabo oo kabanka aad u yaqaanay garacistiisa .

1989 , ayuu fanka lugta la galay waxa uu deganaa xilligaa magaalada Laasqorey , hase ahaate ma duubin heeso bulshada dhexdeeda ku baahay oo aad loo dhageystay , waxaana uu qaadi jiray heesaha fanaaniin ay ka mid ahaayeen Maxamed Saleebaan Tubeec oo uu ahaa hiigsigiisa sida oo wareysiyo ku sheegay intii uu noolaa iyo Cumar Dhuulle Cali

Waxa uu wareegay dhanka magaalada Boossaaso , isaga oo sanadkii 1992 soo saaray heestii ugu horeysay oo ay wada sameeyeen isaga iyo saaxiibkii Cabdilaahi-yare oo damb-baadhi ka ahaan jiray Ceerigaabo , waxaana ay ahayd

Aduunyadu wareeriyo
Walwaliyo dhibaatiyo
Alla waayo badanaayeey

Warankii jacaylkii
Igu waaberistoo
Wadnahayga kala jaray .

Heestan , waxa uu sameeyay gabadh la odhan jiray Farduus , Farduus iyo Shay waxa ay isku barteen Hargeysa horaantii 1988-yadii , sanadkaasi waxa Hargeysa socdaal ku yimi Shay iyo saaxiibkii Maxamed Axmed Baytari oo reer Burco ahaa.

Labada nin ee saaxiibka ahaa, waxa ay shukaansadeen laba hablood oo iyana saaxiib ahaa , waxaan afarta lamaane ahaa ku heshiyeen in ay guursadaan waan bilo uun ka hor dagaalkii magaalada ku dhex maray ciidamadii Soomaaliya iyo jabhadii SNM .

Afartuba waxa ay gaadheen Ceerigaabo oo ay ku aqalgaleen ,laakiin markii dagaalku bilaabmay , ayaa Farduus waxa go’aansatay in ay wardoonto qoyskoodii oo ka walaacsantay waxa ay ku sugan yihiin ,laakiin maalintaas waa dhammaadkii jacaylka Hargeysa ka bilaabmay iyo kuna midho dhalay Ceerigaabo .

Mar dambe ayuu ogaaday in Farduus loo madaluufiyay Jabuuti oo ehelkeeda badh ku noolaa , ka dib markii waraaqo tiro batay oo uu diray aan laga jawaabin , waana markii ay nitaaqadu gaadhay qalbigiisa .

Heesta kale ee Aduunyadu qaribana oo uu sameeyay laxankana uu saaray 1996 , waxa ku jira erayadan oo muujinaya in aan laga warcelin waraaqo uu diray .

Qofka aan waraaqdiyo qaylada u dirayaa
Qalbigiisu adagaa

Qarnigii tagay jacaylkii
Qays iyo Cilmiba dilay
Laylana Qabriga dhigay
Anuu igu qaboobee .

Sanadkii 1996-kii ayuu Shay Mire la kulmay abwaan Jaamac Cabdi Seed ( Daad ) oo ahaa reer Ceel-afweyn heeso uu sameeyayna ay qaadeen fanaaniintii hobolada Waaberi iyo kuwii kale ee ka jiray Soomaaliya , waxaana uu Shay ka codsaday in uu u sameeyo hees jacayl oo hibashadiisu ku sargo’an

Maalintaasi , waxa uu abwaanku sameeyay heesta Nudub dadka qaarna u yaqaanaan Muxuu nabarka caashaqu , waxaana laxanka saaray Shay oo qaaday .

Habeen aanu kulanay oo ku beegnaa 3 bishii September 2015 , waxa uu ii sheegay in aanu ka bogsan jacaylka uu u qaaday Farduus , laakiin uu nafta uu sheegay in ay galbatay oo ay tahay marwo xaas u noqotay nin kale lehna carruur , isna uu leeyahay xaas iyo carruur.

Sanadkii 2006 , waxa Jabuuti tagay Shay Mire oo halkaasi ku lahaa bandhig faneed dadweynaha soo jiitay , waxaana dadkii joogay bandhiga ka mid ahayd Farduus ,laakiin Shay ma ogeyn waxa ay doonaysay in ay aragto oo la hadasho , haddana waxa ay xusuustay khiyaamadii ay samaysay oo aanay ka heshiin weli .

Farduus waxa ay hadalkan u sheegtay qofka mida ehelada , oo ay kulmeen sanado ka dib , waxaana ay goobta ka tagtay iyada oo aanu ogaan ninkii ay doonaysay in ay indhaha saarto ee ugu dambaysay 18 sano ka hor .

Shay Mire Dacar , waxa uu ahaa shamicii fanka Soomaalida markii uu qaaday heesihii ugu horeeyayba , waxaana uu caan ku ahaa tumista kabanka oo uu heesihii ku qaaday inta badan . Dadka qaarkood waxa ay ku tilmaameen boqorkii codka ee fanaaniinta dambe .

Waxa dunida ka tagay 17 bishii July 2016 , isaga oo uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo xanuun u jiifay muddo Alle ha janneeyo .

WQ Suxufi Maxamed Boosh