Maxaad ka taqaan Haweenayda Muslimka ah ee Madaxweynaha ka noqotay Tanzania ?

0

Samiya Xasan Suluxu oo ah madaxweyne ku xigeenka Tanzania ayaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha cusub, ka dib geeridii madaxweyne Magufuli.

Sida dastuurka dalkaasi uu qabo madaxweyne ku xigeenku wuxuu la wareegayaa xafiiska, haddii madaxweynaha ay ku timaado geeri, xil gudasho la’aan ama xil-ka-qaadis.

Samiya ayaa xilka sii hayn doonta muddo xileedkii u hadhsanaa Magufuli oo ku eeg 2025.

Siyaasadda ayey muddo ku soo jirtay waxayse shaqada dawlada ka soo bilowday 1977-kii garaacista ama qorista teebka (waa qalabkii wax lagu qori jiray ka hor kumbuyuutarada).

Samiya dawladdii ay 44 sano ka hor ay u bilowday shaqadas ayay kamid aheyd kuwa ugu hooseeyaa,
maanta iyada ayaa u haysa xilka ugu sarreeya.

Diinta Islaamka maxay ka qabtaa in Haweenay Madaxweyne noqoto ?