Maxaad ka taqaana Saldanada fgu faca weyn Beesha Isaaq oo Tirsata 300 oo sanno?

0

Saldanadda ugu fac weyn dhulka Soomaalidu degto ee geeska Afrika, ee ilaa hadda jirta waa Saldanadda Warsangali, oo loo yaqaano Warsangale Sultanate, oo la aas-aasay sannadkii 1298 kii.

1298 kii, ayaa Garaad Cabdilaahi Dhidhin, loo caleemo saaray inuu noqdo, Garaadka guud ee beesha Warsangali, waxaana lagu caleemo saaray magaalada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.

Waxaa ku xigay, Garaad Xamar Galle, oo isaguna xilka Garaadka Warsangali hayay, ilaa sannadkii 1340 kii.

Sannadkii 1897 kii, ayaa Maamulkii Garaadnimada loo bedelay Suldaan, waxaana loo caleemo saaray Suldaan Maxamuud Garaad Cali Garaad Shire.

Beesha Isaaq iyo Saldanadii Suldaan Guuleed.

Beesha isaaq, saldanadda ugu faca weyni, waa Saldanadda Ciidagale weyne, oo soo taxnayd ilaa sannadkii 1750 kii, Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, Allah ha u naxariisto eh, ayaa loo caleemo saaray suldaanka guud ee beesha Ciidagale, bil ka dibna, wuxuu noqday Suldaanka guud ee beelaha Isaaq, waxaa la caleemo saaray bishii July, sannadkii 1750 kii.

In loo doorto Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, Saldanadda guud, ee beelaha Isaaq, ayaa waxay ka danbaysay, ka dib markii Aabahii Cabdi Ciise, oo ahaa abaandulahii ciidamaddii difaaca beesha Isaaq, uu guulo waaweyn ka soo hooyay dagaalkii loo yaqaanay, (Dagaalkii Lafa-ruug) sannadkii 1749 kii, dagaalkaasi oo dhex maray, beelaha Isaaqa, iyo beelaha Absame Daarood, markii uu dagaalka guul ka soo hooyay Abaanduule Cabdi Ciise, ayaa odayaashii Isaaq, waxay shir iskugu yimaadeen, meel u dhaw degmada hadda la yidhaahdo Toon, waxay ka codsadeen Cabdi Ciise, inuu noqdo Suldaanka guud, ee beelaha CIsaaq, balse Cabdi Ciise wuu ka diiday odayaasha Isaaq in loo caleemo saaro Suldaan, bedelkeediina waxaa Suldaan laga dhigay, Guuleed Cabdi Ciise, oo ahaa Cabdi Ciise wiilkiisii, oo noqday Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, noqdayna Suldaankii ugu horeeyay ee beesha Isaaq yeelato.

Allah ha u naxariisto eh, Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, wuxuu geeriyooday sannadkii 1808 dii, waxaana, xilka saldanada la wareegay, wiilkiisii curdeed, Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, Suldaan Faarax oo ahaa, Suldaankii labaad, wuxuu xilka saldanadda hayay 37 sannadood.

Mugii taariikhda ee Xukunkii Saldanada Suldaan Faarax Suldaan Guuleed.

Waxyaabahii xusuusta taariikhda gallay, wakhtigii uu Suldaan Faarax, xilka saldanadda hayay, waxaa ka mid ahaa, xidhiidhkii uu la lahaa, salaadiintii dalalka gacanka cadmeed, ilaa gacanka Beershiya.

Sannadkii 1820 kii, ayaa maleeshiyo hubaysan, oo beelaha Habar Awal ka soo jeeda, waxay afduubeen, doon ganacsi, oo u rarnayd Saldanaddii magaalooyinka Sharjah iyo Raysal Khaymah, oo hadda ka tirsan dalka Emirateka Carabta, waxaa marka loo yaqaanay Jasiiratul Xamra.

Ka dib, afduubka, iyo weerarkaasi, ayaa Suldaankii Sharjah iyo Raysal Khaymah, oo la odhan jiray Suldaan Bin Saqar Al Qasimi, wuxuu waraaq usoo diray Suldaan Faarax Suldaan Guuleed, si loo xaliyo dhibaatada, Suldaan Faarax wuxuu u yimid magalada Berbera arrintaasi, wuxuuna xaliyay arrintii afduubka doonta, dhawaan, ayaa maktabada ugu weyn dalka ingiriiska, ee la yidhaahdo British National Library, ay soo bandhigtay waraaqdii ay labada Suldaan is dhaafsadeen.
(Hoos ka eeg waraaqda oo af carabi ku qoran).

Suldaan Faarax Suldaan Guuleed, wuxuu Allah ha u naxariisto eh, geeriyooday sannadkii 1845 kii.

Saldanadii Faca 2aad ee Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed

Sannadkii 1845 kii, ka dib markii, uu geeriyooday Suldaan Faarax, Allah ha u naxariisto eh, waxaa xilka lagu wareejiyay, wiilkii ugu weyna inamadiisa, oo noqday Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Caleemo saarka Suldaan Xasan, waxay ku soo beegantay wakhti adag, oo beelaha Isaaqa, dhexdoodana dagaalo ka dhex socdeen, beelaha Isaaqa laftigooduna, ay kala guureen, oo beel weliba gaar Suldaan u yeelatay.

Dagaalka ugu darani, wuxuu ka socday dhulka xeebta, oo ay ku dagaalamayeen, labada beelood ee walaalaha ah, ee Axmed Nuux Ismaciil iyo Yoonis Nuux Ismaciil, oo ka tirsan beesha Habar awal, oo dagaalkoodu salka ku hayay muran ku saabsana, cidda maamuli lahayd, ganacsiga wakhtiga dhulka xeebta ee Berbera, ilaa Bulaxaar ka socday.

Suldaan Xasan Suldaan Faarax, arrinta ugu weyn ee lagu xasuusto, ayaa ahayd inuu hogaminaayay odayaashii beelaha Isaaqa, ee labada beelood ku heshiisiiyay, magaalada Aw Barkhadle, shirkaasi nabadeed oo lagu dhaariyay odayaashii Axmed Nuux iyo Yoonis Nuux, ayaa badiba soo afjaray collaadii ugu xumayd, ee dhulka xeebta waqooyiga Hargeysa ka socotay.

Suldaan Xasan, wuxuu xilka Saldanadda hayay 25 sannadood, Allah ha u naxariisto eh, wuxuu geeriyooday, bishii April, sannadkii 1870 kii.

Suldaankii Labada Qarni Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax 1870 ilaa 1939 kii

Waxaa loo caleemo-saaray xilka Suldaanimo, ee uu Suldaan Xasan, ka geeriyooday, wiilkiisii inamada ugu weyna, oo noqday Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Diiriye, wuxuu noqday, Suldaankii ugu saamaynta badna qarniyadii 19aad ilaa 20aad gayiga Soomaaliyeed, isla markaana ahaa Suldaankii xilka hayay, qarniyadii 19aad ilaa qarnigii 20aad, sannadkii 1870 kii, ayaa loo caleemo saaray, xilka Saldanadda beelaha Garxajis iyo Isaaq.

14 sanno ka dib, caleemo saarkiisii, oo ku beegnayd 1884 kii, waxaa qabsaday dhulka maxmiyaddii ingiriiska, wuxuuna ku soo hagaagay wakhti collaado ku bilaabmay, oo beesha Ciidagale dhexdeeda ay dagaalo ka dhex bilaabmeen.

Wuxuu sidoo kale ku soo hagaagay, sannadahii casriga ahaa ee xadaaradda iyo magaalooyinka aan xeebta ahayni, ay bilaabmeen.

1873 kii, ayuu magaalada Hargeysa, oo wakhtiga cariishyo ahayd, kula kulmay Sheekh Madar Axmed, oo marka magaalada Harar ee dalka Ethiopia ka yimid, waxaana sannadkaasi uu Suldaanka iyo Sheekhu ay ku dhawaaqeen shirweyn oo ka dhacay meel ku dhaw dooxa weyn ee magaalada Hargeysa (waagaasi looma aqoon magaca Hargeysa) , shirkaasi oo lagaga arrinsaday, sidii magaalada oo markii danbe loo bixiyay magaca Hargeysa, loo magaalayn lahaa, magaca Hargeysa, ayaa marka loo yaqaanay (Harar-saqiir), oo ahayd Harar tii yarayd, markii danbe waxaa loo bixiyay (Harar-gaysa), oo ahayd halkii Harar laga tagaayay, Hargeysa marki danbe, waxay xarun u noqotay, isku socodkii xadaaradda, ganacsiga, iyo aqoonta ee xidhiidhiyay Saylac iyo Berbera ilaa iyo magaalada Harar, oo ahayd xaruntii aqoonta ee Bariga Afrika, dadka ka yimaada Harar, ee xeebta ku socdaana, Hargeysa ayey soo dhex mari jireen, dadka xeebta ka yimaada, ee Harar ku sii socdaana Hargeysa ayey sii dhex mari jireen, waa sababta loogu bixiyay markii danbe Harar-gays.

Wixii intaasi ka danbeeyayna, waxaa bilaabmay magaalayntii Hargeysa, iyadoo dhismahii ugu horeeyay, ee daar ah laga dhisay meel u dhaw hadda Dooxa Hargeysa, oo loo bixiyay (Block 1).

1890 naadkii, waxaa dhulka xeebta Bari, ee British Somaliland Protectorate, ka bilabmay, halgankii hubaysna, ee mustacmarad la dirirka ahaa, ee uu hogaaminaayay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Sannadkii 1899 kii, ayuu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, waraaq usoo diray, Suldaan Diiriye, kana codsaday, inuu gacan ku siiyo la dagaalanka mustacmaraddii ingiriiska.

Markii hore, Suldaan Diiriye, wuxuu aqbalay baaqa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, laakiin kacdoon isaga ka dhan ah, oo beelahii kale ee isaaqa iyo Samaroon, ay ku diidanayeen Maxamed Cabdalle Xasan, halgankiisa darteed, ayuu ku gacan saydhay.

Suldaan Diiriye, Allah ha u naxariisto eh, oo ahaa Suldaankii ugu muddo dheera Saldanadda, ayaa wuxuu geeriyooday sannadkii 1939 kii.

Suldaan Cabdilaahi 1939 kii ilaa 1967 kii

Waxaa loo caleemo saaray, xilka Saldanadda wiilkiisii curdeed, oo noqday Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Cabdilaahi, wuxuu ahaa wadaad, wuxuu wax ku bartay magaalada Cadan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii, iyagoo wax bartay, dib ugu soo noqday British Somaliland Protectorate, sannadkii 1920 kii, wuxuu ahaa dhalinyaradii aad uga soo horjeeday mustacmaraddii ingiriiska, ee doonaayay inay Somaliland xornimo hesho.

Suldaan Cabdilaahi, waxaa xilka Saldanadda loo caleemo saaray, sannadkii 1939 kii, maalmo ka dib, markii uu geeriyooday Aabahii Suldaan Diiriye.

Sannadkii 1948 naadkii, markii ingiriisku ku wareejiyay dhulka Reserve area, Ethiopia, Suldaan Cabdilaahi, aad ayuu uga cadhooday, wuxuuna hogaminaayay, wefdi magaalada London kula kulmay boqortooyada ingiriiska, wuxuuna arrintan hor dhigay boqortooyada ingiriiska, wefdigaasi oo laba xubnood ahaa, waxaa ku wehelinaayay Suldaan Cabdiraxmaan Diiriye, oo ahaa Suldaankii guud ee beesha Habar awal.

Markii danbe, wuxuu ku biiray xisbigii SNL ee halganka ugu jiray in ingiriisku Somaliland xornimadeeda ku soo wareejiyo.

Suldaan Cabdilaahi, Allah ha u naxariisto eh, wuxuu geeriyooday, sannadkii, 1967 kii.

Suldaan Rashiid 1967 kii ilaa 1969 kii

Waxaa xilka Saldanada loo caleemo saaray, Suldaan Rashiid Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Rashiid, xilka Saldanada kuma raagin, wuxuuna ahaa, Suldaankii ugu muddo gaabna, sannadkii 1969 kii, ayuu geeriyooday, isagoo 2 sanno oo qudha xilka Saldanada haya.

Suldaan Cabdiqaadir 1969 kii ilaa 1975 kii

Suldaan Rashiid, cahdigiisii gaabna ee 2-da sanno ku eka, Ka dib, waxaa loo caleemo saaray xilka Saldanadda, walaalkii oo noqday Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Cabdiqaadir, wuxuu ku soo beegmay, wakhtigii kacaankii Maxamed Siyaad Bare talladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (The Somali Republic) la wareegay, Suldaan Cabdiqaadir, Allah ha u naxariisto eh, wuxuu geeriyooday sannadkii 1975 kii.

Suldaan Maxamed 1975 kii ilaa 2021 kii

Sannadkii 1975 kii, ayaa xilka Saldanadda Ciidagale iyo Isaaq loo calemo saaray, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, oo geeriyooday, Allah ha u naxariisto eh, 12-kii, February sannadkan 2021.

Waxaa qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba