Maxamed cumar Carte oo cafis Madaxweyne ku yimi Somaliland

0

Hargeysa(Berberanews):- Maxamed Cumar Carte oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana Raysal-wasaare ku-xigeen ka soo noqday Soomaaliya xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay Codsi uu Cafis kaga soo dalbaday.

Hase-ahaatee, Maxamed Cumar Carte oo Hargeysa ay weriyeyaasha qaarkood kula kulmeen maanta, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo imashadiisa iyo saamaxaaddiisa toona. Hase-yeeshee, ujeedka uu u yimi Hargeysa oo ay Qoyskiisu deggan yihiin, ayaa ah Aabbihii Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku xanuunsanaya.

Qoraal aan si rasmi ah madaxtooyadu u baahin, balse si dadban warbaahinta qaarkeed loola wadaagay maanta, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi aqbalay dalab saamaaxaad uu ku doonayo Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu la tashi kala sameeyey xeer-ilaalinta guud ee qaranka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso.

Waxa sidoo kale, Wareegtada saamaxaadda ee Madaxweyne Biixi lagu sheegay in Maxamed uu ka noqday mabdi’ii hore ee uu aamminsanaa ee midnimada Soomaaliweyn. Hase-yeeshee, weli dhankiisa kama soo bixin wax war ah oo la xidhiidha inuu iska casilay Baarlamaanka Soomaaliya iyo arrintaas imashadiisa midna.

Dowladda Somaliland, ayaa hore sharci uga soo saartay Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee xilal ka qabta Soomaaliya, kaas oo waajibinaya inaanay dalka dib ugu soo noqon karin, illaa ay ka noqdaan mabda’ooda, isla markaana soo dalbadaan in la cafiyo, cafiskaasna waxaa fidin kara keliya Madaxweynaha.